Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa xariga ka jaray Lix waddo oo laami ah oo laga hirgaliyay Magaalada Kismaayo.
Madaxweynaha ayaa socod ku soo maray qaar kamid ah wadooyinka isagoo Sidoo kale madasha xarig jarka ka sheegay in Wajiga hore ee shaqadan oo hada gabo gabo ah ay ku xigto bilowga Wajiga labaad oo 14km oo dheeri ah ay Dowladu ku dari doonto.
Waxaa Madaxweynahu uu ugu baaqay dhammaan shacabka ku nool Magaalada Kismaayo inay ilaashadaan kaabayaasha hormarka isla markana ay u tanaasulaan danta guud.
Ugu danbayntii Madaxweynaha ayaa sheegay in hormarinta adeegyada bulshada ay u baahan yihiin in si wadajir ah ay uga shaqeeeyaan hay’adaha Dowlada iyo shacabka si ay u noqdaan Kuwo miro dhal ah.