Iljeex exodus from North Matabaan after they cowardly killed innocent family

This war will expose iljeex lies that they settle outside of Matabaan town apart from qodqod village in east Matabaan. North west matabaan along the border with Ethiopia is Hawadle. They are Gerijir wich is Galgaduud that connects them to ceelhabreed in Ethiopia and used to be our border with Mx we had many wars at garijir in the 50s documented by the Italians. This war is taking place in where it reads matabaan en english in that triangle north west of Matabaan. Agoon Cabdalle destroyed their baraago yesterday bc they allowed them to be there after they attacked innocent family and ran back to Galgaduud. This area is called Xoodale part of Afaridood


Screenshot_20230427-121124.jpg

Screenshot_20230427-120554.jpg


Iljeex map in Hiiraan that mukulaal madow spot 🤣🤣
Screenshot_20230427-120909.jpg
 

bidenkulaha

GalYare
951C112E-2E67-40F8-BA84-5F3E121EED78.jpeg
0FA0D67E-3AA6-4680-9356-470DC1AE1267.jpeg


Caalacalka naga daafa, dagaalka gala! You are not fighting QQ, you are not fighting HG, you are not fighting Cayr, you are not fighting Ayaanle, you are not even fighting most of Ciyow
 
This is one of the two guys you killed unawares early in the day when you launched your attack. Since then it’s been a massacre however

View attachment 269028 two of ur guys from beledweyne
i dont care how many people are dying as long you are under attack. you killed cowardly two children and ran away 3 days ago now you are under attack that is the diffence. You have been attacked and ran to galgaduud 🤣🤣
 
There’s two ceeldhiinle. Xawadle settle on jirta so you posted your own L
yes Iljeex have no place in matabaan except qodqod but they had baraago and bali in ceeldhiinle on the border with galgaduud next to Garijir wich is inside Galgaduud. Ceeldhiinle was mentioned in Xl vs Mx wars in the 50s

CASHAR TAARIIKHEED3: Xabbadjoojin u dhaxeysa Marreexaan iyo Xawaadle oo lagu saxiixay Matabaan, 1953.

Heshiiskan waxa uu ku lammaan yahay heshiiskii aan maalin dhaweed halkan ku faafiyay. Labada heshiis #kan_ayaa_horreeyay sida ku cad taariikhda, iyo in uu heshiiska kale kan tixraacayo.

Bidhaamin: balliga #Gerijir waxa uu waqooyi qumman uha beegan yahay magaalada Guriceel, waxa uuna saaran yahay soohdinta gobollada Hiiraan iyo Galgaduud; qiyaastii 5 KM ayuu soohdinta labada dal u jiraa.

Dhanka kale, Balliga #Ceel_Dhiinle waxa uu waqooyi bari ka xigaa degmada Matabaan, waxa uuna saaran yahay soohdinta labada dal.

Turjumidda Qoraalka oo aan rasmi aheyn: 👇

"Xabbadjoojin u dhaxeysa Marreexaan iyo Xawaadle oo lagu saxiixay Matabaan, 1953.

Ballanqaad heshiisiin guud, Maamulka oo tallaabooyin adag ka qaadi doona cidda burisa xabbadjoojinta.

Maalmihii na dhaafay waxa aan helnay warka dhacdooyin dhacay 2-dii iyo 4-tii Febraayo, una dhaxeeyay labada dhinac ee Marreexaan iyo Xawaadle, waxaa jiray tiro dhimasho ah iyo geel farabadan oo la qaaday.

Sidoo kale waxaa jira war sheegay in faragelin degdeg ah oo madaxda [maamulku] sameeyeen keentay in hoggaamiyayaasha Marreexaan iyo Xawaadle ka wadahadlaan xabbadjoojinta.

1-dii Maarso, shirka daraaddiis, madaxa Xafiiska Arrimaha Gudaha ayaa tagay Matabaan, halka shirku ka dhacayay. Guddoomiyayaasha gobollada Mudug iyo Shabeelle, guddoomiyayaasha Dhuusamareeb iyo Beledweyne ayaa sidoo kale goobta yimid; [iyo] madaxda Marreexaan iyo Xawaadle oo dhameystiran, Ugaaskooduna la socdo qolo walba.

Hawsha xabbadjoojinta iyo heshiisiinta reeraha kor ku xusan, kuwaas oo dagaallamayay in ka badan toban sano, waxa ay eheyd mid dheer oo dhib badan, se dhammaadka 5-tii bisha waxa ay kusoo dhamaatay xabbadjoojin iyo ballanqaad in la gaari doono Heshiis degdeg ah.

Qoraalka heshiisku sidan ayuu u dhignaa:

"Marreexaan iyo Xawaadle ayaa ku kulmay Matabaan, [degaan] hoos yimaada degmada Dhuusamareeb, madaxa Xafiiska Arrimaha Gudaha hortiisa, oo la wareegay kormeerka xabbadjoojinta, waqtiga ugu dhow ee suuragalka ah, [waqtigaas] oo aanan ka danbeyn Karin dhamaadka roobka guga (30-ka Juun, 1953), [in laga gaaro] xal kama danbeys ah dhammaan dhibaatooyinka weli laalan ee u dhexeeya labada dhinac ee sharafta leh.

Dhinacii jebiya xabbadjoojinta waxa uu mudanayaa in laga gabagabeeyo 1,000 (kun) geel ah kaas lala sugi doono tallaabooyinka ugu danbeeya [ee heshiiska].

Labada dhinac ee sharfan waxa ay shaaciyeen in ay wadajir iyo gooni-gooni ba qadanayaan masuuliyadda dhacdo walba oo xabbadjoojinta lid ku ah.

Labada dhinac waxa ay ballanqaadeen in ay soo dooranayaan Guddi kaas oo, ayadoo laga duulaa xeer dhaqameedka oday-kasso-gaarka ah, horseedaya nabad iyo in la gaaro heshiis si walba oo uu ku dhici karo.

Madaxda iyo Odayada hoos ku saxiixan waxa ay qaadeen masuuliyadda dhammaan Xawaadle iyo Marreexaan meel ay joogaanba.
Waxay ballanqaadayaan inay ilaaliyaan qodobbada kor ku xusan iyagoo ku dhaartay Quraanka Kariimka ah oo uu gacanta ku hayay Sheekh Maxamed Nuur (Abgaal).

Odayaasha Marreexaan:

1. Ugaas Cabdullaahi Cali
2. Xaaji Xaashi Jaamac
3. Diiriye Jaamac [Kirkir]
4. Faarax Ugaas Cabdullaahi
5. Cali Guuleed Dalab
6. Warsame Xasan Dheere
7. Cabdi Xaashi Dhoorre
8. Maxamed Cabdulle
9. Xalane Afdhuub
10. Isaaq Cali
11. Maxamed Warsame
12. Sheekh Maxamed Cabdullaahi.

Odayaasha Xawaadle:

1. Ugaas Khaliif [Ugaas Rooble]
2. Sandhool Guure [Fiidow]
3. Raage Guure
4. Guure Maalin [Guure-Yare]
5. Shuuriye Yuusuf
6. Maxamed Dacar
7. Dago Warsame (?)
8. Cabdi Nuur
9. Cali Aadan
10. Isloow Siyaad
11. Cismaan barre
12. Cumar Fiidow."

Intii uu socday wadahadalku Xawaadle meel adag ayay ku dhageen, [waxayna dalbadeen] xukun horudhac ah billowga wadahadalka, [kaas oo ah] in ay Marreexaan soo celiyaan xoolihii ay qaadeen weerarradii u danbeeyay ee dhacay 2-dii iyo 4-tii Febraayo, iyo in ay magta dhiiggii iyo raggii ku baxay, iyo sidoo kale Aqal ay baabi'iyeen, bixiyaan.

Dhankooda, Marreexaan waxa ay xaqiijiyeen weerarrada lasoo sheegay in ay aargudasho u ahaayeen kuwo ka horreeyay oo ay Xawaadle qaadeen, waxa ayna dalbadeen in xabbadjoojin la gaaro ayada oo aaney jirin xoola la celinayo iyo magdhow horudhac ah, kaddib ballanqaad in waxa la kala tabanayo ee hadda laalan la xallin doona waqtiga heshiiska ay tahay in uu dhaco waqtiga ugu dhow ee suuragal ah, markii ay dooddu sidan u saldhigatay, wadahadalladu waa ay sii socdeen.

Kaddib howl badan oo qancin ah, Xawaadle waxay aqbaleen in loo celiyo 401 geel ah oo ay Marreexaan oggolaayeen, oo ay furan tahay in lasii xalliyo waxyaaba harsan kaddib marka heshiiska la saxiixo.

Goor barqo ah 2-dii Maarso, Ugaaska, Madaxda Marreexaan, iyo saraakiil Booliis ah ayaa u kicitimay Gerijir si ay usoo celiyaan xoolihii la dhacay.

4-tii Maarso, goor barqo ah, madaxa Xafiiska Arrimaha Gudaha qudhiisa ayaa tagay Ceel Dhiinle iyo Gerijir, halkaa oo soocelinta xoolihii la dhacay ay ka billaabatay.

Balliga Ceel Dhiinle waxaa loo qaatay in uu gibi ahaanba qallalnaa, raadad dad ah ayaa lagu arkayay meelaha ku xeeran. Dhanka kale, muuqaalka balliga Gerijir waxa uu ahaa dhab ahaan mid ashqaraar leh. Waa haro dhab ah oo hubaal biyuhu ay ku gaari doonaan Gu'ga. Waxaa soo gala kumannaan xoolo ah maalintii; Geel, Lo', iyo ari. Dadku waa uu ladnaaa; xooluhuna waa ay dhaqnaayeen.

Maadaama uu goobta joogay, madaxa Xafiiska Arrimaha Gudahu waxa uu Shir u qabtay Marreexaankii agagaarka [Gerijir] joogay, asaga oo xasuusiyay in ay waajib tahay in la ilaaliyo sharciga, iyo ciqaabta ay mudan karaan haddii kale [ay sharciga ilaalin waayaan], ciqaabtaas oo noqon doonta mid aad u adag. Waxa uu ku dhawaaqay xabbadjoojintii lagu heshiiyay, waxa uuna amray in in la gaarsiiyo [warka xabbadjoointa] meelaha ugu fog [ee Marreexaan jiro].

Khudbadihii wax-ku-oolka ahaa ee xamaasadda lahaa ee hoggaamiyeyaasha qaarkood, waxaa ka mid ahaa middii hogaamiye Xaaji Xaashi Jaamac, ee uu kusoo gabagabeeyay su'aalo uu dadka weydiiyay:
"Marreexaan, dawladdeed taqaannaan?".
"Talyaani"
"Marreexaan, nabad ma rabtaa?".
"Haa!".
"Ma dooneysaan in aad walaalnimo kula noolaataan Xawaadle iyo Ayaanle?".
"Haa!".

Ugudambeyntii, Ugaaska isagoo ku hadlaya magaca dadkiisa oo dhan wuxuu ka codsaday Dr. Benardelli ka gaarsiiyo madaxa maamulka Enriiko Maartiino salaan iyo inuu heysto taageerada Marreexaan oo dhan.

Kaddib isla markiiba, madaxa Xafiiska Arrimaha Gudaha oo ay wehliyaan dhammaan madaxdii Marreexaan ayaa Matabaan kusoo laabtay, si ay u saxiixaan heshiiska, iyo in Xawaadle loo celiyo 401 geela ahaa ee lagu heshiiyay.

Maqribkii 4-ta bisha, wadahadallo u dhaxeeya madaxda Marreexaan iyo Xawaadle ayaa weli socday. Subaxnimadii maalintii xigtay, kaddib dhiibaatooyin kale oo kala duwan markii la xalliyay, xoolihii waa lagu wareejiyay Xawaadle.
........."

***Warbixintu ma dhameyatirna oo bog kale aanan helin ayay qeyb ku qorneed, boggan laftiisuna waa kala jaban yahay oo qeyb ayaa ka maqa (se qoraalkii barka maqan waan soo guuriyay).

Waxaa Turjumay: Cilmi Faradheere, Juun 29, 2021.

#SahankaCilmi
#RaadkaTaariikhda


 
Last edited:

Trending

Latest posts

Top