Head of Somali national intelligence meets with Nigerian head of intelligence in Xamar

Somalia has been very peaceful as of late with no major attacks. Thanks to our intelligence operatives and security forces the populace is free to conduct business as they please. Hopefully it continues on this trajectory and with the continued support of our international partners we will maintain peace and continue on our road back to resurgence. It's always important to discuss protocol and strategies with difference spy chiefs and since we have access to the CIA most of our operatives are well trained. The Nigerians deal with Boko Haram and have been effective in their dealings for the most part so collaboration is definitely a smart move.

 
Agaasimaha guud ee hay’adda sirdoonka dalka Nigeria ee National Intelligence Agency (NIA) ayaa caawa ku sugan magaalada Muqdisho, isaga oo booqasho laba maalin qaadaneysa maanta kusoo gaaray caasimadda.

Axmed Abubakar Rufaaci ayaa kulan la qaatay dhigiisa Soomaaliya Fahad Yaasiin, sida lagu sheegay qoraal kooban oo barta twitter-ka ay soo dhigtay hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya.

“Axmed Abubakar Rufaaci iyo Fahad Yaasiin, ayaa kala saxiixday isfaham iyo wada shaqayn buuxda oo dhexmarta labada Hay’adood ee labada dal.” Sida lagu sheegay qoraalka NISA.

Nabad-sugidda Soomaaliya ma aysan bixin wax faah-faahin ah oo intaas dheer. Hase yeeshee bilihii dhowaa waxaa soo badanayey madaxda sirdoonka caalamka ee soo gaaraya Muqdisho.

17-kii September, Taliyaha Siradoonka wadanka Angola Gen. José Luís Caetano Higino de Sousa, ayaa booqasho ku yimid magaalada Muqdisho isaga oo la kulmay agaasime Fahad Yaasiin, oo ay ka wadahadleen sidii ay uga faa’ideysan lahaayeen khibradda NISA ay u leedahay la-dagaalanka argagaxisada.
 

Trending

Top