Xasan Sh. Oo qirtay in uu ku fashilmay dagaalka argagixisada
POSTED BY: IDIL NEWS STAFF SEPTEMBER 1, 2023
Caawa,waxuu qirtay in hogaamintiisii Wadanka uu ku fashilmay,waxaana hadalkiisii Space-ka lagu soo koobi karaa Sadex arimood oo kala ah….
1.Qorshihii aan udajiyay dagaalka Shabaab,waa fashilmay.
2.Dagaalkii Shabaab,waan joojiyay,Ciidankiina Xeryahoodii,ayaan dib ugu celinayaa.
3.Atmis,waxaan codsanayaa in ay sii joogto oo la baajiyo bixidooda.
Dagaalka Shabaab waa waxa kaliya ee Xasan uu ka dhigtay Yool oo uu la Shir imaan lahaa haduu ku guulaysan lahaa.
Balse Caawa Xasan si cad,ayuu uqirtay dagaalkaas in uu ku fashilmay.
Jibril Qoobey.