SomaliWadaniSoldier
Weeping for the Nation of 68
Ciidamada Itoobiya oo degmada Diinsoor kusoo dhaweeyay Laftagareen!! Aaway Ciidankii Soomaaliyeed? (Warbixin)
Tuesday March 03, 2020 - 20:05:02 in Wararka by Liibaan Jeexoow
Hoggaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed C/Caziiz Laftagareen ayaa maanta gaaray degmada Diinsoor ee gobolka Bay kadib markii uu diyaarad kasoo raacay magaalada Baydhabo.
Laftagareen ayaa waxaa degmada Diinsoor kusoo dhaweeyay ciidamo Itoobiyaan ah iyadoo sawirrada laga soo qaaday aanay kasoo muuqan wax ciidan Soomaaliyeed ah!
Ciidamada Itoobiyaan oo ay farxadi ka muuqato ayuu dhammaantood madaarka ku gacan qaaday xilli markii uu diyaaradda kasoo raacayay Baydhabo-na ay sii sagootiyeen Xabashi kale.
Maamulka Koonfur Galbeed ayaa u muuqda mid ay Xabashidu ay ugu takri fasho si kasii liidata maamul goboleedyada kale waxayn tani ay ummadda Soomaaliyeed tusinaysaa xaaladda uu dalku marayo.
Ilo wareedyo ayaa inoo sheegay in ujeedada uu Laftagareen u tagay magaalada Diinsoor ay tahay sidii uu uga qeyb gali lahaa xaflad caleema saar oo loo sameynayo maamul cusub oo loo sameeyay degmada.
Todobaadyo ka hor ayay aheyd markii uu sarkaal Itoobiyaan ah degmada Doolow ka sheegay in Itoobiya iyo Soomaaliya yihiin hal wadan ciidankuna yahay mid qura weliba markaas wuxuu la hadlayay askar ka tirsan DF oo Muqdisho laga qaaday islamarkaana diyaarad lagu geeyay degmadaas.
Haddaba miyaanu muuqanayn warkii sarkaalkaas Itoobiyaanka ah iyo hadalkii lamidka ahaa ee uu sannadkii lasoo dhaafay shaaciyay Abiy Axmad oo ahaa in hal dal laga dhigayo Soomaaliya iyo Itoobiya!
NN Bots loves Halal Ethiopia
@Jiron

-
- Share