Guddoomiyaha Culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad: ''Ahlu-sunnah Militia are Terrorists like Alshabaab''

Sheekh Bashiir oo weerar ku qaaday Ahlu Sunna – Waxay la mid yihiin Al-Shabaab​


1634551296414.png


Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha hay’adda culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa weerar culus oo dhanka afka ah u qaaday Ururka Ahlu Sunna Waljaamaca ee haatan dhaq-dhaqaayada ciidan ka wada degaanada maamulka Galmudug.

Sheekh Bashiir oo ka mid ah Jamaacada Al Ictisaam ayaa shaaciyey in hoggaanka Ahlu Sunna ay fikir ahaan la mid ah yihiin Al-Shabaab, ayna isaga mid yihiin in xukunka lagu raado hub iyo awood dagaal, sida uu hadalka u dhigay.

“Al Shabaab iyo nimanka la baxay magaca Ahlu Sunna waxa ay ka midaysanyihiin fikar siyaasi ah oo hub lagu hirgalinayo oo awood iyo dagaal loo isticmaalayo,” ayuu yiri Sheekh Bashiir Axmed Salaad.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xilligii hubka laga qaadanayey ay aheyd markii uu dalka dowlad la’aanta ahaa, isla-markaana laga soo gudbay.


Sheekh Bashiir oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in Culimada looga baahan yahay kaliya inay ka shaqeeyaan wacyi-gelinta guud ee bulshada iyo inay faafiyaan Diinta Islaamka.

“Qofka Sheekha ah shaqada u feecan ee uu qabo karo waa dacwo, waa wax u sheeg, marka maanta cid kastoo hub wadata, hubkaas is leh diinta ugu adeeg waxaan leenahay waa lagu soo gubtay faa’iido malahan dhiig xaaraan ah ayaad daadinaysaa, dad baad dulminaysaa, wax aan laguu diran oo aan diinta iyo Allah kuu diran ayaad isi saaraysaa, taas oo dulmi noqonaysa, diinta magaceeda aad ku ciyaaraysaa” ayuu sii raaciyey.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo haatan Ahlu Sunna ay dhaq-dhaqaaqyo ciidan ka wado magaalada Guriceel oo ay dhowaan dib u qabsadeen ciidamadeeda.

Si kastaba, dib u soo rogaal celinta Ahlu Sunna ayaa weji kale u yeeshay xaaladda guud ee maamulka Galmudug oo markii hore dagaal culus kula jiray kooxda Al-Shabaab.




About time Somali Scholars spoke out against these khawaarij Ahlu-suufis Militia who are hell-bent for Muslims blood to be shed.
 
Top