What a story. It's rumoured to have happened yesterday during duhr time.
Maanta salaadii duhur wuxuu dagaal ka dhex qarxay askarta Samaroon ee tolkay ah ee dagaalka Laascaanood qadiyad la'aanta ugu dagaalamaaya ee jooga Saldhiga GOOJACADE iyo askarta iidoor-ta ah ee reerkooga iyo maamulkooda Somaliland u dagaalamaya. Dagaalkani wuxuu dhacay intii maanta lagu mashquulsanaa dagaalkii Maraaga ka dhacay.
Nin iidoor-ta ah waliba jufada habar-jeclo ah ayaa nin Jibriil Yoonisa oo Reer Dudub ah askartana ay ka wada tirsanaayeen ayaa ku idhi askarigii Reer Dudub "Waar ninkaagan Samaroonoow horta tolkaagu miyayna aargoosiga ba aqoonin waxaan daawaday ninkii Taliye Khadar Xabeeb inaad sandule ku aasateen iyadoon la idin baryayna aad qaadanaysaan Magtii marxuunkiinee, saw maanta ba ninkii inaadeerkay ahaa jeelka kuma dhex raaxaysanayo maxay tolkaa TVyada uga booteynayeen iyagoin aqoonin sida loo aarguto". Ninkii jibriil yoonis ee Reer Dudub markuu intaasi maqlay ayuu ninkii ku jees jeesaayay 10 xabadood ku jarjarey isagiina nin kale oo Sacad Muuse ahaa oo garab taagnaa ayaa ninkii jibriil yoonis ee Reer Dudub isna 30 xabo ku jarjarey. Goobta falkani ka dhacayay isna waxaan ka fogeyn nin kale oo ahaa Xeeb-Jire ayaa markuu arkay inaadeerkii oo hortiisa lagu dilay isaguna wuxu goobtii ku dilay ninkii Sacad Muuse iyo nin kale oo askarta iidoor-ta ah, ninkii Xeeb-Jirana isagana isla goobtii ayaa lagu dilay.
Wadarta guud ee dhimashadu waa laba nin oo Samaroon ah iyo sadex nin oo iidoor-ta ah balse dhaawacyo badan ayaa jira reer walbana dhufeyskiisa ayuu galay askartii Samaroona waxaa laga go'doomiyay kaydka rasaasta. U maleyn maayo inuu istaagaayo dagaalka meeshaasi ka dhex qarxay ee salka ku haya dilkii badheedhka ahaa ee Taliye Khadar Xabeeb dhawaan lagu dilay.
Xogtani waxaa i soo siiyay rag ciidamada Somaliland ka tirsan oo war gal ah cidii u baahan xaqiijinteedu waa la xidhiidhi kartaa askarta joogta Goojacade xog intan aan idiin sheegay ka faahfaahsana waa inooga soo warami karaan.
Posted by Abdifatah Meecaad

Last edited: