Goodax Barre - Germany Education Is State Run

DR OSMAN

AF NAAREED
VIP
16 Shahaado oo Dugsiga Sare ah ayaa ka jira Waddanka Jarmalka
September 12, 2020 admin Wararka 0

7B7DFF73-3C68-45FF-B4BC-E35FE685BB73-678x381.jpeg

Waddanka Jarmalka waa 16 Dowladgoboleed midwalba ismaamusha. Dowladgoboleed walba wuxuu leeyahay Baarlamaan u gooni ah iyo xukuumad u gooni iyo Wasiiro maamula Wasaaradahooda kala duwan. Waxaysan lahayn oo kaliya Wasiirka Arimaha Dibadda iyo Wasiirka Difaaca. Labadaan Wasiir waxaa leh oo kaliya Dowladda Federalka ee ay xukunto Marwadda Angela Merkel.

Dowladgoboleed walba waxaa u gooni ah Wasaaraddiisa Waxbarashada iyo Manhajkiisa. Haddaba waxaa ka jira waddanka Jarmalka 16 Manhaj oo kala duwan. Waxaase waddanka dhammaan laysku afgartay in Wasaarad walba ee Waxbarasho ee Dowladgoboleedku iyada samaysato Manhaj, diyaarisana imtixaanka Dugsiga Sare ee ay qaadayso. Tusaale Waxbarashada Dugsiyada Sare ee Dowladgoboleedka HAMBURG iyo BAYERN waa kala duwan yihiin, waayo Dowladgoboleedyadaan midwalba isagaa diyaarsaday waxbarashadiisa. Maaha oo kaliya Dugsiyada Sare ee waa Waxbarasho kasta.

Dowladgoboleedyada way kulmaan oo waxay leeyihiiin Dallad waxbarasho, oo Wasaaradaha Waxbarashu ku tashadaan.

Dowladda Federalka ma maamusho mana soo diyaariso Imtixaanadka ay qaadayaan Dowladgoboleedyada. Dowladda Federalka iyo dhammaan Dowladgoboleedyada waxay isku raaceen in Dowladgoboleed walba Shahaadadeeda Dugsiga Sare la wada aqoonsado oo Jaamacad walba ogolaato. Dhammaan Shahaadooyinkaas 16 ah ee kala duwan ee Dugsiyada Sare wax dhib ah uma keenayo Ardayda markay doonayaan inay waddamada dunida wax ka bartaan. Dhammaan Dowladaha Dunida way aqoonsan yihiin Shahaadooyinkaas kala duwan.

Maxaa u diiday in Soomaaliya ay wax ka barato waddanka Jarmalka sida ay u shaqeeyaan Shahaadooyinkooda iyo Manhajyadooda kala duwan. Waxaa wax lala yaaba ah in Wasiirkasta oo Waxbarasho ee Dowladda Federalka Soomaaliya uu isku dayo inuu dhammaan Dowladgoboleedyada Shahaadooyinkooda isku gudbo si uu ardayda masaakiinta ah kaga qaato lacag. Waa inuu wasiir kasta ogaadaa dalka xaaladdiisa iyo in isaga ruuxiisu Federalka wax ku maamulo, farahan ka qaado waxbarashada Dowladgoboleedyada.

Soomaaliya waxay qaadatay Federal. Haddii uusan Wasiirku taas ogoyn waa inuu iska casilaa Shaqadaas.

Halkaan hoose ka daawo Shaadooyinka shan Dowladgoboleed oo aan tusaale u soo qaatay. Sida muuqaalkoodu kala duwan yahay ayey Dowladgoboleedyaduna u kala duwan yihiin:

Baden Württemberg
Bremen
Bayern
Hamburg
Thüringen

Qore Cabdicasiis Geelle Xuseen
DE3E7146-1D2C-40E0-9943-87CDC1E4F09C-398x500.jpeg
DCFB98E9-8FAD-44FA-B058-103FD9670A8A-380x500.jpeg
2AC2E6B6-9529-4263-87D9-B10F2813F7DF-355x500.jpeg
B515D67B-020F-4768-BA11-CAD04A055C98-403x500.jpeg
7B7DFF73-3C68-45FF-B4BC-E35FE685BB73-357x500.jpeg
 

Trending

Top