General who really believed in fighting Alshabab terrorists

Status
Not open for further replies.

SomaliWadaniSoldier

Weeping for the Nation of 68
Interahamwe
VIP
Allaha u naxariistee, Jeneraal Cabdikariim Yuusuf Dhega-Badan oo ahaa abaanduulihii hore ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo ku dhintay weerarkii ay kooxda al-Shabaab ku qaaday Hotel Saxafi ee magaalada Muqdisho maalintii shalay ahayd ayaa xusuusta Soomaalida kaga tegay sheekooyin aan marnaba la ilaawi Karin, kuwaasoo la xiriira dagaalka ka dhank ah argagixisada dalka Soomaaliya.

Ka sokow inuu ahaa Jeneraal military oo go’aansaday inuu naftiisa u huro dalkiisa, waxyaabaha sida aadka loogu xusuusto waxaa ka mid ah in ciidamadiisu ay dileen hoggaamiyihii al-Qaacidada Geeska Afrika ee la oran jiray Fazul Cabdalla, kaasoo 8 bishii June 2011 lagu dilay duleedka magaalada Muqdisho.

Jeneraalka ayaa ka go’nayd in al-Shabaab iyo ajaanibta taageeraysa ee gudaha dalka ku sugan la ciribtiro. Intii uu hayay xilka abaanduulnimada, Jeneraal Dhega-badan wuxuu qeyb lixaad leh ka qaatay ka saaritaankii al-Shabaab ee Muqdisho iyo magaalooyin kale oo ka tirsan gobolada Shabeelooyinka.


Jeneraalka ayaa isagoo hawshiisa si wanaagsan u gudanaya, guulaha laga gaarayay al-Shabaabna ay sii xoogeysanayeen ayaa xil ka qaadis lagu sameeyay, iyadoo xil ka qaadistiisa aan lagu macneynin sabab aan ka ahayn isbedel.

Dalka dibadda ayuu ka aaday, gaar ahaan magaalada Kampala ee dalka Uganda, halkaasoo uu deganaa ilaa dhowaan ay u yeeratay dowladda federaalka si uu gacan uga siiyo la dagaalanka Al-Shabaab.

Jeneraal Dhega-Badan wuxuu kusoo degay Hotel Saxaf ee shalay weerarka lagu qaaday.
Dad ka mid ah dadkii ka badbaaday weerarkaasi waxay xaqiijiyeen in jeneraalku uusan isku dhiibin xoogaggii ka tirsanaa Alshabaab ee gudaha u galay Hotelka, taa bedelkeed, Jeneraal Dhega-badan wuxuu la soo baxay qori uu naftiisa ku ilaalinayay, halkaasoo uu kula dagaalamay kooxdii Shabaab ka tirsaneyd ee weerarka ku qaaday Hotel Saxafi.

Jeneraalka ayaa dhintay isagoo la dagaalamaya kooxda al-Shabaab, sidaasi darteed waxaa lagu tilmaami karaa muwaadin ay dhab ka ahayd la dagaalanka Alshabaab, weliba wuxuu dhintay isagoo qoriga kala soo horjeeda kooxda Alshabaab.

:salute:

History will remember him as hero.
He fought terrorists until death. Now that is real dedication.
 
Status
Not open for further replies.

Trending

Latest posts

Top