Geeraar Jacayl

1.Amaaleey xaq dhawr iyo
2.laab xaadhan oo wacan
3.xubbi lagu gardaadshaan
4.xaadir kuu astayniye
5.igu xurmee tolnimadoo
6.Xashaa-lilaahiye
7.Xilo-janaad ii noqo

8.Inanyahay xisaabaha
9.Xaal aduun siduu yahay
10.Afar Xaawaleey iyo
11.Anaan doonin Xaawiyo
12.Xaali iyo Maydhan e
13.igu xurmee tolnimadoo
14.Xaashaa-lilaahiye
15.Xillo-jaanaad ii noqo

16.Inanyahay xanguuf iyo
17.Xidqi iyo Xumaan ba'an
18.Anaa kuu xawaashinoo
19.xayya aroor dilaacdaba
20.Xushmad kuu aloosiye
21.Oo 'Xabiibtii' ku qawliye
22.Igu xurmee tolnimadoo
23.Xaashaa-lilaahiye
24.Xillo-janaad ii noqo

25.Inanyahay xareed roob
26.iyo xagal toosan baa tahay
27.Xuural-Cayn-la-moodyeey
28.Xigmad guuraysaa tahay
29.mid uu xisku noolyiyo
30.Xil-kas caashaq baa tahay
31.Xariir-midabkii-leeyeey
32.Igu xurmee tolnimadoo
33.Xaashaa-lilaahiye
34.Xilo-Janaad ii noqo

35.Inanyahay Xasiid iyo
36.xab-xabkiyo daafiga
37.Anaa xeradiin gaynoo
38.Gumacadle u xeer dhigan
39.Oo xaalkood wanaajin e
40.Xays-da'ay-la-Moodyeey
41.Igu xurmee tolnimadoo
42.Xaashaa-lilaahiye
43.Xilo-janaad ii noqo

By GeeljirePoet
 

Trending

Top