Taraamoow adaa tubtii seegay, iyo talo wanaagiiye
Adaa taag noo sheegtay iyo turuqyo waawayne
Adigaa tilmaansada miskiin,aan turxaan falin e
"TOOGTAAY" adaa yiri ragii ,aad tabaalisaye
Tuhun dheer adigaa ka qaba,tolwayne Afrikaane
Tafantoof waa kii la riday ,Flooydhkii taagnaaye
Ee tunka qoortiyo luqunta ,lagaga taagsadaye
Tuxun-La-saraakii Shawfiin yaa tacaadiyay e
Tacbaanka ninkii ahaa ,looma turin jeer e
Tamar yari waa kii lahaa,taahi kari waaye
Hadaan tuugyahow shawviin ,sharciga lala tiigsan
Ama aan tiirkiyo la surin ,toogta xarigeeda
Waalle bay talo kuu sugnaan ,saan tilmaansadaye
Wallee baad tawaawici in badan ,oo aad turaan-turiye

Last edited: