Former Somali PM Hassan Abshir Dead.

DR OSMAN

AF NAAREED
VIP
RW hore ee Soomaaliya oo goor dhaw geeriyooday.
July 12, 2020 NEWS 0

GAROOWE(P-TIMES) – Raysalwasaarihii hore ee dawladdii KMG ahayd Xassan Abshir Faarax horeyna xilal kala duwan uga soo qabtay dawladdii Kacaanka ee Soomaliya ayaa goor dhaw la xaqiijiyey geeridiisa.
Xassan Abshir Faarax ayaa mudooyinkii u dambeeyey ku xanuunsanayay dalka Turkiga, sida ay sheegayaan wararka laga helayo qaraabadiisa.

Col, Xassan Abshir ayaa kamid ahaa asaasayaashii Puntland, wuxuuna sidaas oo kale ka mid noqday golihii wasiiradda ee u horeeyey ee uu dhisay Madaxweynihii xiligaas ee Puntland Cabdullaahi Yuusuf oo isaguna horey u geeriyooday.

Madaxda Puntland ayaa ka tacsiyeey geerida Marxuum Xassan Abshir Faarax, waana 24 saac gudahood qofkii labaad oo kamid ahaa Asaasayaashii iyo madaxdii Puntland oo geeriyooda.

Saacado kahor, waxaa geeridiisa la shaaciyey Madaxweynihii 2aad & kuxigeenkii koowaad Maxamed Cabdi Xaashi oo kamid ahaa raggii wax ka asaasay Puntland, hogaaminayayna gobalada Sool, Sanaag & Cayn.
 

DR OSMAN

AF NAAREED
VIP
This is devastating news. Hassan Abshir is dead. Maxamed Abdi Hashi passed away also. All within 24 hours. Dr Osman sends my condolences to his family and friends. This is a sad week for Puntland. We need to lower the flag for Hassan abshir and Maxamed Abdi Hashi.
 

DR OSMAN

AF NAAREED
VIP
Istanbul (Caasimadda Online) – Ra’isulwasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax ayaa goor dhow ku geeriyooday dalka Turkiga sida ay xaqiijiyeen qaar ka tirsan eheladiisa.

Allaha u naxariistee Xasan Abshir ayaa muddooyinkii dambe ku xanuunsanayey dalka Turkiga halkaas oo uu ugu dambeyn ku geeriyooday.

Xasan Abshir ayaa Ra’isulwasaare kasoo noqday Dowladdii uu hoggaaminayey madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan.

Marxuum Xasan Abshir ayaa sidoo kale waqti dheer ahaa duqa Muqdisho xiligii Kacaanka. Wuxuu kaloo soo noqday xubin Baarlamaan.

Xalay aheyd markii uu Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya uu ku geeriyooday Maxamed Cabdi Xaashi oo ahaa Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland, isla markaana kamid ahaa asaasayaashii dowlad Goboleedka Puntland
 
The flags have already been lowered in response to the news. AUN to both men who dedicated their lives to restoring Somalia.
20200712_072631.jpg
 

Calaf

Veni Vidi Vici
2022 CHESS CHAMP
GENERALISSIMO
VIP
Mogadishu (HOL) - A significant figure in Somali politics for nearly five decades, former Prime Minister Hassan Abshir Farah has passed away in Turkey. He was 75 years old.

Hassan Abshir Farah began his life in Garowe in 1945. He went to secondary school in Mogadishu before attending the Egyptian Military Academy in Cairo. He returned to Mogadishu where he went on to obtain a law degree from the Somali National University.

He got his start in politics in 1969 as the mayor of Mogadishu under Siad Barre's military junta. He was quickly promoted to governor of Middle Shabelle and Bakol. Farah also served in various diplomatic posts with stints as ambassador to Japan and later Germany, where he was stationed when the Siyad Barre government collapsed in 1991.

1594566767726.png




Farah played a key role when Puntland declared autonomy in July 1998. He served as Puntland's first interior minister under Abdullahi Yusuf.


In 2000, Farah was tapped to co-chair the Somali National Peace Conference, better known as the Arta Conference in Arta, Djibouti. The two-week conference brought together the various warring factions in the Somali civil war. The result of the talks was the establishment of the Transitional National Government (TNG). Farah would go on to be appointed by the Minister of Minerals, Water and Resources.

In October 2001, Farah replaced Ali Khalif Galaydh to become Prime Minister of Somalia.

In 2004, returned to politics as the Minister of Fisheries of the newly established Transitional Federal Government. He resigned in protest in 2006 along with several other ministers after the federal government repeatedly postponed negotiation talks with the Islamic Courts Union.

He launched a failed bid to be President of Puntland in 2008 before settling in as Member of Parliament in Somalia's Federal Government in 2012.
 

Manafesto

[[Puntland Republic 🇸🇱]]PIM[[C.S(BihinYusuf)]
VIP
HalimoEnthusiast
Xasan Abshir Faarax: Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya oo ku geeriyooday Turkiga
12 Luulyo 2020, 14:30 EAT
Waa la cusbooneysiiyay 2 Saacadood ka hor
reuters

XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS
Qoraalka sawirka,
Marxuumka oo ahaa 77 sano jir ayaa u dhintay xannuunka kansarka

Ra'iisal wasarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Ankara ee dalka Turkiga, sida uu BBC-da u xaqiijiyay safiirka Soomaaliya u fadhiya Turkiga, Jaamac Cabdilaahi Maxamed.


Marxuumka oo ahaa 77 sano jir ayaa u dhintay xannuunka kansarka oo in muddo ahba la xannusanaa. Safiirka waxa uu sheegay in Xasan Abshir uu labadii isbuuc ee la soo dhaafay ku jiray qeybta bukaannada halista ah la dhigo ee ICU-da.

"Dowladda Soomaaliya ayaa Turkiga keentay, muddo dheer ayaa la daweynayay. Xannuunkiisa dhinaca maskaxda ayuu ahaa. Maanta ayayna dhakhaatiirtiisa nagu wargeliyeen inuu dhintay", ayuu yiri Jaamac.

Xasan Abshir ayaa dowladihii kala duwanaa ee Soomaaliya ka soo qabtay xilal kala duwan. Wuxuu ra'iisal wasaare ka soo noqoday dowladdii Ku meel gaarka ahayd ee madaxweyne C/qaasim Salaad Xassan uu hoggaaminyay. Waxaa loo magacaabay xilkaasi ka dib markii xilkii laga qaaday ra'iisul wasaarihii isaga ka horreeyay ee Dr. Cali Khaliif Galleyr, wuxuuna xilkaasi hayay muddo seddax sano ah.

Wuxuu sidoo kale Xasan Abshir Faarax soo noqday duqii magaalada Muqdisho xilligii dawladdii hore ee Maxamed Siyaad Barre. Sanidihuu u dambeeyay waxa uu ahaa xubin ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ka hor inta uusan siyaasadda ka fadhiisanin.

Taariikh nololeedkiisa oo kooban:
  • Xassan Abshir Faarax Waxa uu ku Dhashay magaalada Muqdisho sanadkii 1943 kii.
  • 1963 ciidanka xoogga ayuu ku biiray
  • 1973 waxaa loo magacaabay Duqqa Magaalada Muqdisho isagoona ahaa Mayorkii ugu Da'da Yaraa
  • 1998 Xasan Abshir Faarax ayaa ka mid ahaa Aas'aasayaashii Dowladda Puntland .
  • 2001 Dowladdii Carte ee Jabuuti lagu Soo dhisay ee uu madaxweynaha ka ahaa Cabdi Qaasim Salaad ayaa Xasan Abshir Faarax loo Magacaabay Raiisul Wasaare.
  • 2006 ilaa 2007 Dowladdii Madaxweyne c/laahi Yuusuf ayaa Xasan Abshir Faarax u Magacaabay Wasiirkii Howlaha Guud
Geerida Maxamed Cabdi Xaashi
Dhinaca kale, madaxweynihii hore ee Puntland Maxamed Cabdi Xaashi ayaa ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Muddo kooban oo lix bilood ah ayuu hayay xilka madaxweyninimada Puntland ka dib markii Allaha u naxariistee Cabdullaahi Yusuf oo xilkaasi hayay loo doortay madaxweynaha Soomaaliya sanaddii 2004.

Maxamed Cabdi Xaashi madaxweyne ku xigeenkii gu horreeyay ee Puntland oo Nairobi ku geeriyooday


XIGASHADA SAWIRKA,BBC
Qoraalka sawirka,
Maxamed Cabdi Xaashi madaxweyne ku xigeenkii gu horreeyay ee Puntland oo Nairobi ku geeriyooday
Wuxuu ahaa madaxweyne ku xigeenkii ugu horreeyay ee Puntland intuu u dhexaysay sanadihii 1998- 2004.
Madaxweynaha Puntalnd Saciid Cabdulaahi Deni ayaa ka tacsiyay geerida Maxamed Cabdi Xaashi, sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada Puntland

https://www.google.com/amp/s/www.bbc.com/somali/war-53375214.amp
 

Trending

Latest posts

Top