Farmaajo iyo xoogaga wadaniyada

Majeerteenku Dawladnnimada ma rabaan, Isaaqu waa Soomaali-diid. Itoobiya waa walaalaheen, Kismaayo Marreexaan oo ka taliya mooyee qoodhey iyo xeradayba jabe. Hawiye iyo cashuurtooda Aby Axmed iyo Amisom haygu ilaaliyaan. Muqdisho wuxuu ku joogaa 4.5 oo hab qabiil ah. Majeerteen iyo Ogaadeen oo lafdhabarta Daarood ahi waa diideen damaciisa xun ee colaaddu ku jirto. Marreexaan qayb kamida waa kuwa Balad Xaawo iyo Mandheera kula dagaalamaya. Hawiye waxay ku jiraan abaabul iyo isdiyaarin xoog badan "Wallahaay Summa wallaahay" war kooban bay ahayd laakiin waa luqad Daaroodku si fiican u fahmo, oo aan xataa laga jawaabi karin.

Ciidamada uu maamulo Farmaajo maaha ciidan Soomaali wada leedahay, mana aha ciidan xataa 4.5ka beenta ah lagu saleeyey. Waa ciidan ay leeyihiin beelaha Hawiye iyo Raxanweyn. Waa laga yaabaa inay ku jiraan shaqsiyaad kooban oo meelo kale ka yimi.

Baydhabo iyo Muqdisho dhexdooda cidi ma marto, Afgooye iyo Muqdisho waa go'doon, Jawhar iyo Muqdisho waa lama galaay, Kismaayo iyo Muqdisho warkooda ha sheeggin, Muqdisho dhexdeeda la isuma gudbo. Ninka sidaas u bahdilan wuxuu dagaal ka wadaa Jubbooyinka isagoo ah kaabe qabiil shaadh dawladeed xidhan. Dagaalka Kismaayo maaha dagaal Kenya iyo Somalia u dhaxeeya, laakiin waa dagaal u dhaxeeya Ogaadeen garabsanaya Kenya iyo Marreexaan Itoobiyaan wata. Waxaa laysku hayaana waa gacan ku haynta Kismaayo.

Colaadda Farmaajo waa Colaadda buugga uu ku qoray ee Isaaq, Hawiye, Majeerteen iyo Ogaadeen. Ma isagaa waddani ah? Nin Soomaali ah oo ka liita oo sida Aby Axmed ula dhaqmay loola dhaqmay majiro. Shirarka Majeerteen iyo Muddoloodka Hawiye waxaan u rajaynayaa kuwo gacanyaraha Aby Axmed qoorta soo qaban doona.
 

Trending

Top