FARMAJO XALKA QAYB KAMA NOQON KARO
Madaxweyne Farmajo wuxuu ku suntan yahay ninkii Dawladnimada Somalia ku burburiyey "Gabaadka Wadaniyadda beenta ah". 4 sano gudahood ayuu xilka uga tuuray si sharci darro ah Madaxweyneyaasha 3 Maamul-Goboleed, Gudoomiyihii Golaha Shacabka, Gudoomiyihii Maxkamadda sare.
Wuxuu eryey Ergeygii gaarka ahaa ee UNSG HAYSON, iyo Danjirihii Midowga Yurub Veronique LORONZO oo su'aalo geliyey habdhaqankiisa bilowgiiba.
Wuxuu wiiqay Hannaankii Federaaliga ee Dastuuriga ahaa, wuxuuna kala gooyey Jubaland.
Wuxuu Abdikarin Ahmed Muuse (Qalbi-Dhagax) si sharci darro ah ugu dhiibay TPLF-tii Ethiopia, wuxuuna saaxiibnimo iyo heshiisyo mugdi ah la galay ASMARA iyo ADDIS, isagoo shabadda Cadowtinimada ku dhuftay Nairobi iyo DJIBOUTI.
Wuxuu 2 jeer weeraray Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamud oo isaga xilka ku wareejay, 1 mar Madaxweyne Sheikh Sherif Sheikh Axmed, iyo 3 jeer Abdirahman Abdi Shakuur oo keli ah isaga ka aragti duwanaaday.
Madaxweyne Farmajo wuxuu shabadda kelitalisnimada oo 2 sano ah ku dhufsaday si uusan kursiga uga kicin isagoo maraya Guddoonka Golaha Shacabka oo waqtigoodu dhamaaday Dec. 2020, wuxuuna weli inoo ballan qaadayaa inuu roob di'in doono.
Ugu damayn wuxuu Qax, barakac iyo Dagaal ka riday Caasimadda Mugadishu isagoo isticmaalaya hubkii iyo Ciidankii Soomaaliya loo dhisayey, una kala qaybiyey militia.
Caano daatay dabadood ayaa la qabtaa ee Madaxweyne Farmajo waa inuu baxaa oo Soomaalida siiyaa fursad ay isku daba qabtaan. Beesha Caalamku waa inay Faramjo u arkaan inuusan Xalka Soomaaliya qayb ka noqon karin.