Wasiirada beesha Harti ee kaso jeeda Puntland,ayaa diyaarad soo qaatay galabta kana soo dagay Bosaso oo uu hogaaminayay Wasiirka arimaha dibada Fadaraalka Axmed Ciise Cawad,ayaa galabta soo gaaray Bosaso.
Lama soo dhaweyn wax baratakool ahna looma samayn markay soo gaareen garoonka iyo Madaxtooyada,waxayna utageen Madaxweyne Deni oo dad shacab ah la fadhiya.
Wasiiradan,ayaa waday dhanbaal ka yimid Farmaajo,kaasoo sheegayay in Dowlada Fadaraalku aqbashay wax walba oo Puntland ay dood ka qabtay,balse laga codsanayo in aysan ka qaybgalin caleema saarka Axmed Madoobe.
Kulan socday mudo saacada ah oo dhexmaray waftiga Fadaraalka iyo Puntland,ayaa ugu danbayn kusoo idlaaday waxba.
Puntland,ayaa waftiga Fadaraalka ugudbisay goaamadan kala ah...
1.In Puntland ay ka qaybgalayso caleema saarka Axmed Madoobe oo uu yahay go"aan Dowladeed oo lama taabtaan ah.
2.In Puntland diyaar utahay dhex-dhexaadinta Dowlada Jubaland iyo Dowlada Dhexe caleema saarka kadib.
3.In Puntland aysan gorgortan ka galayn arimaha masiiriga ah ee Dalka,iyadoo dana gaar ah ilaalsanaysa.
Madaxweyne Deni,ayaa kulaanka kadib casho ugu sameeyay Madaxtooyada Bosaso waftiga Fadaraalka,iyagoona caawa seexan doona berina dib ugu laaban doona Muqdisho.