The Midlands
VIP
Exactly like i predicted yesterday beesha Daauud oo awalbe dagaal diidanaa inta badana ay horey Al Shabaab u raaceen ayaa hada ka soo qaxeen deeganada waqooyiga gobolka.
Dagaalka cusub ee carruur ku kala aarsiga!
Run ahaantii nimanka khawaariijta ah oo caadiyan ah niman naf la caari ah oo noloshu ay ku ciirtay afarta jihana laga soo kubbaareeyay, balse, aad mooddo in dhulka Daa'uud iyo deegaannada hoos taga degmada Ruunnirgood lagu soo mooreeyay ayaa maalmahaan waxay billaabeen inay carruurta iyo dumarka ay qafaashaan, si ay ugu xanuunjiyaan macaawisleyda deegaanka iyo ciidamada beesha ka soo jeeda ee dowladda ku jira.
Khawaariijta oo xaaladdu ku xun tahay ayaa fikrad qarriban la yimid, isla markaana waxay qafaasheen 33-carruur ah iyo hooyooyinkood oo ay ku jiraan ilmo dherebta ku jira oo aan bil dhameyn, hooyadiina loo diiday inay raacdo.
Macaawisleydii deegaanka iyo ciidamo dowladeed oo laga keenay Aadan-yabaal iyo Alkowsar oo taas ka jawaabeysa ayaa iyaguna soo qafaashay 26-canug iyo hooyooyinkood, isla markaana uu ku jiro canug 15-maalin oo kaliya ifka jooga! Ciidamada dowladda iyo macaawisleydu ilmaha ay soo wateen waxa dhalay hoggaamiyayaasha Al-shabaab ee Daa'uud, sida nabaddoon beenaadka khawaariijta ugu magacaaban deegaannada Daa'uud ee macallin Furdug oo toban canug oo uu dhalay iyo hooyadood ay dowladdu soo wadatay IKKOB.
Haddaba, dowladda Soomaaliya iyo hoggaanka ciidanka oo deegaan ahaan iyo beel ahaan godob aad u weyn naga galay, haddana aysan muuqan xal dhexe oo ay dowladdu hoggaaminayso, xaalkii wuxuu marayaa in dowladda iyo Khawaariijtu u heshiiyeen in Daa'uud la baabi'yo, taas oo qoysas aad u badan ay deegaanka kasoo qaxeen.Waxase la yiri: "Haan hoog ninkii rara, kalsaarta ugu weyn ayuu kala degaa". Kuwa dhagarta wada ayaana ku baaba'ya ee Daa'uud waxba gaari maayaan. Taas ha ogaadeen, halkii ay ugu tashanayeenna waxa joogay Eebbe oo dulmanaha u hiilliya, dulmiyahana majuujiya. Laashin: Cabdulle Raare Taraawiil (AUN) Ayaa yiri:
Markow qoomku diinkuu tashaday, quuday hilibkiisi
Iyagoo qayaanadi dhismaihi, qeybki ku heshiiyay
Marka uu qudrada Eebbeheey, helay qabaarkoodi
Qoor-dhiibadkow yiri Rabbiga, qaniyahaa joogaa
Qobkaad ugu sameysow ku helay, nolosha qaashaa.
Ciidan walba ee xamar laga diro, isla markaana loo diro inay deegaankaas xureeyaan waxay kala wareegaan bari iyo bugux. Qeyb inta deexda la marsiiyo ayaa Mesagawaa la geeyaa, qeybta kalena inta dhanka duge la marsiiyo ayaa Aadan-Yabaal, Alkowser, Cali Axmed iyo meelo kale la geeyaa, kaaga darane meelaha la geeyo badanaaba waa ceelal-biyood dadka jooga iyo deegaan ahaanba aad u kooban. Halkaas oo ay ka jirto hagar aad u weyn oo ilaa madax iyo majo isku xiran.
Haddaba, mudane Xasan Sh. Oo dabcan arrinta la socda haddi uunan soo fara-gelin ama uunan beddelin hoggaanka ciidanka maalmo aan fogeyn waxaa la arki doonaa shabaab oo ka khudbeynaya Cadale, Masaajid Cali Gaduud, Aadan-Yabaal, Nuur-dugle iyo Alkowsar.
Dagaalka Khawaariijtu xaalad iyo qorshe dhab ah ayuu u baahan yahay, haddii aan degdeg looga howl gelinna dhibaatada heysata deegaannada degmada Ruunnirgood kuwa la mid ah ayaa gobalka oo idil ka dhici doona.
Khawaariijta yaan la siin fursad ay dib isugusoo abaabulaan, carruurta ay qaateenna waa in loo keenaa qorshe looga soo celiyo, iyaga oo nabad ah.
Xaalku waa saqiirro silcin!

Last edited: