Sida ay muujinayaan xogo hoose oo laga helay ilo sir-doon, dalka Mareykanka ayaa soo bandhigay aragti ka duwan habka hadda loo wajaho Kooxda Al-Shabaab [Dagaalka] wuxuuna ku taamayaa hirgalinta hannaan wadahadal oo horseedi kara xal aan xabbad lagu keenin. Sida ay ogaatay warbaahinta, Xukuumadda...
www.warqaad.info
Sida ay muujinayaan xogo hoose oo laga helay ilo sir-doon, dalka Mareykanka ayaa soo bandhigay aragti ka duwan habka hadda loo wajaho Kooxda Al-Shabaab [Dagaalka] wuxuuna ku taamayaa hirgalinta hannaan wadahadal oo horseedi kara xal aan xabbad lagu keenin.
Sida ay ogaatay warbaahinta, Xukuumadda Washington ayaa qorshahaan bilo ka hor la wadaagtay qaar ka mid dalalka Yurub ee daneeya arrimaha Soomaaliya, ka hor inta aan aqbaarta la gaarsiin Dooxa, si dalka Qatar uu qeyb kaga qaato hirgalinta arrinkaan.
Intii lagu guda jiray bishii Juun, (Bartamaha sanadka) ayaa Al-Shabaab la hor dhigay dhowr qodob, sida xoguhu caddeynayaan, hayeeshee, Reer galbeedku, ma aysan helin jawaab ku filan taas oo sababtay in afar ka mid ah hoggaanka Al-Shabaab Madaxooda la dul-dhigo Malaayiin dollar.
Qodobbada la hor dhigay Kooxda ku xooggan koofurta iyo bartamaha Soomaaliya, ayaa kala ah;
1. In ay ka baxaan Ururka Al-qaacida / Leave AlQaida
2. In ay joojiyaan weerarrada dalalka dariska / Stop aggressions on Kenya
3. In ay u hoggaansamaan sharciyada caalamiga / Recognize the UN Law
Sida ku cad xogaha, Al-Shabaab, ayaa wali fursad u heysta in ay ka jawaab celiyaan qodobadaan, taas oo ugu horreynba suura-galin doonta in ay xaafiis wadahadal ku yeeshaan dalka Qatar, halkaas oo ay sidii Dhaalibaan ku gali karaan gorgortan siyaasadeed.
Gacanta Al-Shabaab, ayaa galaafatay kumannaan Soomaali ah, oo intooda badan ku sugan Koofurta dalka, gaar ahaa Caasimadda Muqdisho, waxayna si joogto ah u beegsadan dadka ka aragtida duwan oo ay ugu horreeyaan shaqaalaha Dowladda Federaalka.
Wada-hadallo ay garwadeyn ka ahaayeen dalal ku yaalla Yurub iyo Asia, ayaa ugu danbeyn hirgaliyay in 20 sano kadib ay Kooxda Dhaalibaan dib ula wareegaan Maamulka Afghanistan, inkastoo USA, ay ka bixitaanka Kabul, ku macneysay soo af-meeridda howl-galkii 20-ka sono jirsaday.
Muqdisho-Somalia