Ethiopia Foreign Affairs spokesman: We recognize Somaliland region and Puntland as part of Somalia

Status
Not open for further replies.

Bohol

VIP
Itoobiya: Somaliland iyo Puntland waxaan u aqoonsannahay inay hoostagaan Soomaaliya

_107147805_f2e875ef-4e7b-4e39-869d-4a3321a47744.jpg



Wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya oo ka hadashay arrintan ayaa sheegtay in ay aqoonsan tahay madaxnbannaanida Soomaaliya.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya, Nebiyat Getachew, ayaa BBC u sheegay in "Puntland iyo Somaliland ay u aqoosan yihiin in ay hoostagaan dowladda federaalka ee Soomaaliya".

"Waxaan safaarad ku leenahay Muqdisho. Somaliland iyo Puntland waxaan ku leenahay xarumo diblumaasiaydeed", ayuu sheegay afhayeenka.

"Boggeena arrimo badan ayaa ka muuqdo waana eegeynaa", ayuu hadalkiisa ku daray.

Dadbadan weli waxay xasuustaan khariidaddii Itoobiya ee Soomaaliya meesha ka saartay, balse markale Soomaalida isticmaasha baraha bulshada ayaa ka careysan qoraal kale oo kasoo muuqday bogga wasaarradda arrimaha dibadda ee Itoobiya.

Barta rasmiga ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya ayaa dal ahaan u diiwaan galisay Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madaxbabbaanida ee Somaliland.

Wasaaradda oo taxaysa dalalka ay xarumaha dublamaasiyadeed ku leedahay ayaa dal ahaan u diiwaan galisay, Somaliland iyo waliba Puntland.

Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland ayaa sheegtay in ay ka go'day Soomaaliya inteeda kale, balse aqoonsi caalami ah wali ma helin.

Maamulka Addis Ababa ayaa markastaa xiriir dhow la lahaa dhammaan madaxdii soo martay Soomaaliya tan iyo burburkii, waxayna sidoo kale martigelisay kulamo badan oo u jeedadiisu ahayd nabadeynta Soomaaliya.

https://www.bbc.com/somali/war-4844...BINRUSI7JhbmhxYqf1KbNymdyFWkiV6jTo1YT0Wk8Z_OE
 

Tukraq

VIP
Is ictiraaf finally around the corner:lolbron:
Although one country recognizing the two governments of PL and SL doesn’t hold much weight, needs far more countries
 
Status
Not open for further replies.

Trending

Top