Emotional cheating?

Cillinka wuxuu Coon kaga duwan yahay sidaan is leeyahay, Cillinka waa qofka/neefka dhasha sagaal bilood ka hor? Dhiciska oo Kale. Baryarina way noqotaa Cillanka. Coon sidaan u aqaan waa Qofka gaaban, dad'dana ka muuqanin. Muqdishu iyo Koonfurtana Waxay Oran jireen Curri, qofkaan waa curray iyagoo ka wada Coon.

Gaabey ---> Qofka Gaaban
Hebel Yare ---> Jaamac Yare -----> Qofka Gaaban
Kurtin ---------> Qofka gaaban
 
Saniin maniin --------> Waqti fog ama long time ago

Sabarad aasan --------> waa sarbeeb macnaheedu yajay waad da' weyn tahay.

Markaa waxaa laga wadaa waa da' weyn tahay. :dead:

inta hore waad saxday. Saniin maniin= wakhti dheer
Sabarad horta fasir waxaad moodaysid ma aha.
maxaa aasnaan kara waqti dheer ama weligood. Maxaa sabarad lagu qabtaa ama loo isticmaalaa?
 
inta hore waad saxday. Saniin maniin= wakhti dheer
Sabarad horta fasir waxaad moodaysid ma aha.
maxaa aasnaan kara waqti dheer ama weligood. Maxaa sabarad lagu qabtaa ama loo isticmaalaa?

Sabarad waa bir wax lagu qodo, khaasatan beeraha amd dhulka.

Aasan macnaheedu waa dhulkay ku jirtaa.

saniin maniin sabarrad aasan ===> macnaheedu waa waqti fog sabarad dhulka ku aasan.
 
Sabarad waa bir wax lagu qodo, khaasatan beeraha amd dhulka.

Aasan macnaheedu waa dhulkay ku jirtaa.

saniin maniin sabarrad aasan ===> macnaheedu waa waqti fog sabarad dhulka ku aasan.
Sifiican baad u faahfaahisan laakiin waa googaalisi micnaheeduna waa xabaasha ama qof markuu dhinto weligiis ayuu aasnaadaa.

marka lagu dhaho
googaa: saniin maniin sabarad aasan
Cigallee: waa habasha baad ku jawaabaysaa

sabarad ayaa logu qodaa xabaalaha marka dadka xabaalaha qoda (somaalia) way fududahay su’aashaani πŸ˜‚
 
Haye adigana tan ka jawaab.

Googaa: Waxaa ii timaadaa marka caruurtu seexato waayeelkuna soo jeedo.

Hint: Waxay la xiriirtaa reer baadiyaha shukaansigooda. Lol
 
Haye adigana tan ka jawaab.

Googaa: Waxaa ii timaadaa marka caruurtu seexato waayeelkuna soo jeedo.

Hint: Waxay la xiriirtaa reer baadiyaha shukaansigooda. Lol
1. Waxaan umaleynayaa waa seqda dhexe markaas ayeey reer miyigu is shukaansadaan lakiin waxay sugaan inta dadka xaafada joogo oo dhan seexanayaa.

2. Waxay kale oo ay noqon kartaa subaxa hore sababtoo ah dadka waayeelka xili hore ayeey soo toosaan.
3. mise waa markay xiddiguhu dhacaan oo dayaxu soo baxo? Armaa caruurta xididgaha loola jeedaa waayeelkana dayaxa?
 
Haa, waa #3. Ruqiya, sheekadaan si fiican baad uga dhacsan tahay.

Ok waxaan kala joogaa 1-0. Adaa iga horeeya. Haye, waa markaagii.
 
'Rap' is a new word but I would say 'Geeraar' or 'guuroow' is the closest thing that resembles from Somali traditions.
I am leaning towards 'Jacbur', as the late Dhoodaan popularised it, and as someone puts it 'bililiqa fan', for which the poet handily has taken credit in a rare interview I came upon a while ago.

Dhoodaan in his element:
Nin marqaamay waa lagu yaqaan in uu ciyaaraaye
Nin sakhraamay waa lagu yaqaan in uu wareeraaye
Ruux waalli kii soo qabtuu daqar ku jiidaaye
Naagtii xun naagtii xaddaa kaaga sii darane
Bisaduhu in ay tuugsadaan kama gaboobaane.

In another Jacbur:
Gabar suuqa mulacyaysa oo diidday gurigooda
Nin bajeelle tumasha ah sitoo waalan baa heliye
Iyadoo lammaanaatay buu dhaar ka marayaaye
Markaasay ilmaysaa sidii ruuc basbasbaas gubaye
Iyaday is balaysee maxay qaaddi kaga roori?

One more:
Gabaryahay casaantaadu waa dhuxula maygaage
Afkaagana madawgiisu waa nuurad oo kale eh
Sidaa aawadeed baan jacayl kuugu soo kacaye.

In 'Isa Sudhan', here is Hadraawi attempting in Jacbur:
 
Maxaa waaye dumarkaan ragga la moodo. Siday isleedahay waa nin nin camal. Rap soo ragga khaas uma aha mise anigaa waxba la socon.
mana la fahmayo waxay kusoo rafaaday oo ay meesha la timi.

Show gurina kama baxdid tvna ma daaratid? Qosolaan la dhacay. Dunida halkeed kaga nooshahay? Ilaa iyo hadda qosolkaa iga dhamaaday.
 
Show gurina kama baxdid tvna ma daaratid? Qosolaan la dhacay. Dunida halkeed kaga nooshahay? Ilaa iyo hadda qosolkaa iga dhamaaday.
Eedo tv bari hore ayaan tuuray carruur baan korsadaa weligayna music ma dhagaysan marka waxba kama ogi waxyaalahaas. Waan inaan carrurtada ku dayasho wanaagsan u noqodo soo ma aha?
Waalid/hooyo music dhagaysanaya waa adduunyo gaddoon.
 
Inaan kaa waynahay aa laga yaabaa Ruqiyo, aniga iidaa da'wayninka ina Abti. Si daacad ah ayaan qosol ula dhacay markaan aqriyay warkaadii hore.

Dhaqankii hore ayaad haysataa weli. Ilaahay hakuu fududeeyo caruur koriska.
 
Haa, waa #3. Ruqiya, sheekadaan si fiican baad uga dhacsan tahay.

Ok waxaan kala joogaa 1-0. Adaa iga horeeya. Haye, waa markaagii.
Ismaan lahayn inaan saxayo. Horrey umaan maqal xujadaas.
Waaban ilaaway googaalisigii intiis badneyd.
waxaan xasuustaa: gurigayagu ama xaradayadu waa wada ul oo ul la qaadto ma leh.
weli ma maqashay tan?
 
Trending

Latest posts

Top