E.T Khayre brings in Amisom, fearing Alshabab

From taliyaha in the capital of Dhuusamareeb regarding Djibouti AMISOM


Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Taliyaha qeybta 21-aad ee ciidamada Xoogga dalka, Cabdicasiis Cabdullaahi (Qooje) oo la hadlay warbaahinta ayaa faah faahin ka bixiyey sababta ciidamada AMISOM loo geeyey deegaanada mamaulka Galmudug.

Qooje ayaa sheegay in ciidamada Jabuuti ee Hiil-Walaal ee la geeyey Dhuusamareeb iyo Guriceel ay ka caawin doonaan howlaha nabad gelyada.

Sidoo kale taliyaha ayaa xusay in aysan jirin dhibaato kale, islamarkaana ay ka shaqeyn doonaan horumarka xasiloonida Galmudug.

“Ciidamadan Hiil-Walaal ee ka socda Jabuuti kana tirsan AMISOM waxey halkan u yimaadeen in ay naga caawiyaan Amniga dhibaato kale ma jirto, waa been abuur wararka la leeyahay ee ah halkan lagama jecla, waa walaalaheen gacan ayeeyna na siinayaan.” ayuu yiri taliyaha.


Dhinaca kale taliyaha qeybta 21-aad ee ciidamada Xoogga dalka ayaa intaasi ku daray in ciidamadani ay ka qeyb qaadaan doonaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Dhowaan ayaala filayaa in Galmudug uu ka dhaco isbedal, iyadoo doorashada guud ee maamulkaasi lagu qaban doono magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.
 
Top