DENI OO LA KULMAY GABAR YAR OO NAAFO AH OO HOREY FARIIN UGU DIRTAY

upload_2020-2-26_8-40-35.jpeg


Madaxwaynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Madaxtooyada Boosaaso ku qaabilay Ayaan Xassan Ducaalle oo ah gabar 7sano jir ah oo araga naafo ka ah, taas oo maalmo ka hor fariin Maanso ah u dirtay Madaxwayne Deni, si wax looga qabto xaaladda nololeed ee iyada iyo dadka ay isku baahida yihiin.

Kulanka uu Madaxweyne Deni kulan kulmay Ayaan, waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Puntland Maxamed Ceydiid, xubno ka mid ah Ganacsatada Puntland, Xaawo Jaamac Cabdi oo iyana ka mid ah dadka araga naafada ka ah, una ololeysa dadka araga la’ iyo qoyska Ayaan.

FB_IMG_1582711005069.jpg

Madaxweynaha Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa balan qaaday inuu ka caawin doono Ayaan Xasan Ducaalle in ay hesho Dhakhtar dibedda ah, sida lagu sheegay war ka soo baxay Madaxtooyada Puntland.

Sidoo kale Madaxweyne Deni ayaa sheegay in dowladdu wax ka qaban doonto Xaaladaha Nololeed iyo Waxbarasho ee dadka qaba baahiyaha gaarka ah ee nool Puntland.

FB_IMG_15827101586793652.jpg

Ugu damveyn Ayaan Xasan Ducaalle ayaa sheegtay in ay aad ugu faraxsantahay in Madaxweynaha uu qaabilay, waxayna ka mahadcelisay in madaxweynuhu uu wax ka qabanayo xaaladeeda caafimaad iyo guud ahaan nolosha dadka araga naafada ka ah, sida mar kale lagu sheegay warka madaxtooyada.
 

Trending

Top