Deshawne
Thug to the Bone!
Ciidan ka amar qaata General Indhacadde ayaa si xoog ah ula wareegay gacan ku haynta Saldhigga Booliiska Degmada Waaberi.
Ciidanka ayaa saldhigga ka sii daayay maxaabiis ku xirneyd oo aay ku jirto Gabar uu adeer u yahay Gen. Indhacadde oo maanta lagu soo xiray kaddib markii aay ka qeyb qaadatay Mudaaharaad ka dhacay magaalada Muqdisho.
Isku day aay sameeyeen ehelka Gabadha ayaa loogu diiday in la sii daayo, waana sababta keentay in ciidan si aad ah u hubeysan aay qabsadaan saldhigga siina daayaan gabadha iyo dadkii lala soo xiray sido ilo wareedyo aay u sheegeen MOL.
Gen. Indhacadde ayaa horay wuxuu u sheegay in Musharaxiinta oo dowladdu ay u aragto Mucaarad in uu difaacayo isaga iyo Ciidankiisuba.