Ciidamo huwan ah oo ka kala katirsan ciidamada Liyuu Boolis iyo kuwa Puntland ayaa maanta ku soo duuley dad xoolo dhaqato ah oo ku nool xadka u dhaxeeya Itoobya iyo gobolka Galgaduud. Waxaayna burburin ku sameeyeen barkado ay lahaayeen dadka reer miyiga ah oo aagaas ku nool.
Halka ay ciidamadaan weerarka iyo burburinta ka geysteen ayaa ah tuuloyin dhaca deegaanka Kaxandhaale. Ciidamadaan ayaana watay gaadiid dagaal iyo sidoo kale cagaf-cagafyo. Tuuloyinka ciidamadaan huwanta ah ay soo weerareen ayaa waxaa dega xoolo dhaqato reer Galmudug ah oo ka soo kala jeeda degmooyinka Cadaado iyo Galinsoor.