Ciidan uu hoggaaminaayo Gen. Indhacadde oo la wareegay taalada Daljirka

1613672772583.png

Muqdisho (Caasimada Online)-Ciidamo xoog leh oo uu hoggaaminayo Jeneraal Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacadde ayaa caawa la wareegay ammaanka fagaaraha Taallada Daljirka Daahsoon ee magaalada Muqdisho.

Fagaaraha Dajirka ayaa berri lagu qabanayaa banaanbaxa ay iclaamiyeen golaha midowga musharaxiinta Soomaaliya, kuwaas oo galabta socdaal dhoola tus ah ku tegay Daljirka.

Ciidamada uu hoggaaminayo Indhacadde oo wata gaadiidka dagaalka ayaa isku gedaamay fagaaraha taallada Daljirka, waxaana halkaas warbaahinta kula hadlay Jeneraal Indhacadde.

“Halkaan waxaan caawa u joogaa kormeer, si aan ula socdo ammaanka goobtan berri banaanbaxu ka dhacayo… cid ii wakiilatay malahan howshan oo dalku dowlad malahan, halkaana waxaa I keenay damiirka igu jira, si loo helo dowlad dadku soo dhisteen oo doorasho ku timaada,” ayuu yiri Jeneraal Indhacadde.


Jeneraalka ayaa ku cel-celiyey in wax maamul ah uusan dalka ka jirin, “Anigu wasiir ayaan ahaa jiray, marka wasiirka hadda jira waa anigoo kale wasiir ayuu ahaan jiray, Cabdiqaasin oo caawa jooga Masar iyo Farmaajo waa isku mid, laba madaxweyne oo hore waaye,” ayuu yiri Indhacadde.

Waxa uu sheegay in dadka uu u xaqiijinayo in goobtan ay la wareegeen ammaankeeda, isla markaana uu berri si nabad ah uga dhici doono banaanbaxa ay iclaamiyeen musharaxiintu.

“Dadweynaha waxaan ugu baaqayaa in aysan wax dhib ah sameyn, xukuumadda waxaan ugu baaqayaa in xaqa dastuuriga ah aysan ka hor imaan, dadka waxaan leeyahay afar askari oo jidka taagan idinma celi karto ee soo baxa,” ayuu yiri Jeneraal Indhacadde.

Sidoo kale Jeneraalka ayaa ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ugu baaqay in aan loo adeegsan dhibaateynta shacabka isku soo bixi doona berri.

 

Attachments

  • 1613672719337.png
    1613672719337.png
    494.6 KB · Views: 69
:stressed: Looks like Madasha is depending on HG ciidan for Xoog
That is far from reality, C Shakur and Xassan Ali Kheyre supposed to book their hotel and government blocked them so they joined Sheekh Shariif and Xassan Sheekh. Though, Indhacade arrived there after the Sheekh Shariif troops secured and marched the place, Abgaal is still respecting their HG brothers but in reality Abgaal does not need HG but vise versa is true. Lets stick together to kick this dictator out of Villa Somalia and restore the democracy we enjoyed in the past 20 years.
 

Jungle

VIP
Indhocadde has no political aspirations unlike the rest so he doesnt care and just rushes places strategically. The mans is a general. Kheyre and shakur flopped tho.
 
There will a war very soon, anyone can see what is going to happen, this country is gone, Puntland people ha tashtaan, Banadir State ha dhistaan wadankooda gaarka ah, this shoothole Somalia la dhaho is over.
 
Indhoaadde is not just the leader of Ceyr but all HG of Lower Shebelle. Very powerful and well respected figure. He is also very capable of taking control of Mogadishu.

Gen Indoadde makes it clear that their is no government, president in Somalia. Farmajoo is ex-president. I love you Gen Indhoadde. my Hero.
 
Last edited:
Who's laughing now. We moblising in the centre of Mogadishu just a foot of Villa Somalia and Deyniile has fallen to us. But Calcaal of Gedo Bush people continues. As they cry for PEACE and reason.
 

Trending

Top