Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo khawaarijta kala wareegay deegaano katirsan Gobolka Bakool
Howlgal qorshaysnaa oo Ciidamada Xoogga dalka gaar ahaan guutada 9-aad qeybta 60-aad ay maanta ka fuliyeen gobolka Bakool ayaa u suura-galiyey in khawaarijta gacantooda laga saaro deegaanada kala ah; War-wiin, War-dhato, Ceelahaley, iyo deegaanka Moorigaabey.
Abaan duulaha guutada 9-aad ee Qeybta 60-aad CXD G/lle Yoonis Adan Xasan oo howlgalkaan hoggaaminayey ayaa wasaaradda Amniga koonfur galbeed Soomaaliya u sheegay in la ciribtiray Khawaariijta deegaannada laga xoreeyey khawaarijta ee korka ku xusan Gobolka Bakool Koonfur galbeed Soomaaliya.