Cholera and Diarrhea breaks out at Doolow,Gedo after the flood

Manafesto

[[Puntland Republic 🇸🇱]]PIM[[C.S(BihinYusuf)]
VIP
HalimoEnthusiast
Webiyada Jubba iyo Daawo oo ku fatahay Doolow
thumbnail thumbnail thumbnail thumbnail thumbnail thumbnail
2020511637247816778182224.jpg


Isniin, May 11, 2020 (HOL) Inta badan xaafadaha magaalada Doolow ayaa waxaa saameeyay fatahaad ay si wadajir ah u sameeyeen webiyada Jubba iyo Daawo, waxaana saaka magaalada ka socda barakac ay sameeynayaan shacabka.


Xaafadaha ay fatahaaddu saameeysay waxaa kamid ah Horseed, Halgan iyo Dhagaxleey, kuwaa oo guryihii ku yaallay ay gabi ahaanba daadadku jiireen.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka degmada Doolow, ururrada bulshada rayidka ah iyo ciidanka ayaa gurmad u fidiyay qoysaska ay hantidoodii burburisay fatahaadda, ayagoo ku caawinayay in waxyaalaha muhiimka u ah ay guryahooda kala soo baxaan.

Shacabka ayaa la arkayay ayagoo qaarkood madaxa iyo gacmaha ku sita wixii ay awoodi kareen in ay guryahooda kala soo baxaan oo raadsanaya meel ay naftooda kula badbaadaan.

Gudoomiyaha Doolow Cali Faarax Mire oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in fatahaaddu ay sidoo kale burburisay dhul beereed aad u badan oo beeraleeydu ay ku abuurteen dalagyo kala duwan, islamarkaana ay biyuhu qaadeen agabkii beeraleeyda oo ay kamid ahaayeen matoorro.

Waxa uu ugu baaqay dowladda federaalka, hay'adaha samafalka iyo cid walba oo kaalmo gaarsiin karta in dadkaasi gurmad deg-deg ah loo soo fidiyo.

"Magaalada hore waxaa uga jiray cudurka daacuun caloolaha oo ay dad badan u le'deen, hadana waa qadar ilaahay fatahaad ayaa ku darsantay, waxaan codsaneeynaa in dadkan loo soo gurmado," ayuu hadalkiisii raaciyay.

Arrintan ayaa kusoo beegmeeysa ayadoo lagu gudo jiro xilliga gu'ga oo aalaaba ay buux dhaafiyaan webiyada mara Soomaaliya, taasoo keenta in ay ku fatahaan magaalooyinka ay maraan.

Hiiraan Online, News Desk.
 
SMH that’s fucked.

Faarmago needs to do more for his kin. I know he can embezzle couple million to them. He probably asked his wife if he could and she said no :ivers:

It’s obvious she controls this weak nigga SMH.
 

Manafesto

[[Puntland Republic 🇸🇱]]PIM[[C.S(BihinYusuf)]
VIP
HalimoEnthusiast
SMH that’s fucked.

Faarmago needs to do more for his kin. I know he can embezzle couple million to them. He probably asked his wife if he could and she said no :ivers:

It’s obvious she controls this weak nigga SMH.

This is really sad ,what Reer Gedo are going through is unbearable to watch, flooding, malnutrition, lack of water and diseases, the FGS should try to help this unfortunate region before it's residents go instinct.
:mjcry:
 

Trending

Latest posts

Top