Hamzza
VIP
#Mudug: Ugu yaraan 7 qof ayaa ku geeriyootay tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen dagaal u dhaxeeya labo beelood oo wada degga koonfur-bari gobolka Mudug oo tan iyo galinkii hore ee maanta ka socda deegaannada miyiga ah ee dulleedka deegaannada Afbarwaaqo iyo Qoryawayne oo 176-km u jira magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Deegaannada ay dagaallada ka socdaan kuma dhawa goobo caafimaad, gurmad hub iyo ciidan maleeshiyaad ah ayaana labada dhinac gaaray, iyadoo aysan jirin illaa hadda cid kala dhexgashay dhinacyada dagaallamaya. Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya, Mahad Cawad oo deegaannada ka soo jeeda ayaa Galmudug, Puntland iyo qeybaha Bulshada ugu baaqay inay ka qeybqaatan siddii dagaalka lagu joojin lahaa.
~ Iman Jama