Bohol
VIP
Sland region officials refused to pay the debt despite the fact they invited Cali Khalif Galaydh to Hargeisa in the first place.
"Nin weyn tag lama yidhaahdee wuxuu ku tagaa la tusaa"
Guriga Wasiirkii hore Maaliyada Cawil Ducaale ee Hargeysa ayaa xili Fiidnimo ah ay isugu tageen Wasiir Maxamed Kaahin, Oday Cawil , Wasiir Sacad Cali shire waxaana Oday Cawil Ducaale masuuliyiintaasi ugu yeedhay gurigiisa inuu u sheego, Cali Khaliif Galaydh oo laga doonayo 6 bilood oo ah lacagtii kirada Hotelka uu degen yahay isagiyo Wiil iyo gabadh xoghayn u ah, wuxuu kaloo u sheegay inuu Cali Khaliif safar shakhsi ah Muqdisho ku tagayo maalmaha soo socda.
Wasiirka Maaliyada Sacad Cali shire ayaa hadlay oo yidhi "Anigu ma bixinayo lacagtaas mana bixin karo! waayo toddobaad ka hor ayaa maamulka Hutelku ii yimaadeen kadib Madaxweynaha ayaan u sheegay wuxuuna igu yidhi shaqadaada maaha"
Wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin ayaa hadlay oo yidhi "Wasiir Sacadoow ma waxaad leedahay Cali khaliif Galaydh dhiibi mayno daynta Hutelkiisa, war la odhan maayo Cali Khaliif baa Hotel Hargeysa ah lacagtiisi loo haystaaye u tag ninka meesha haysta "Muuse" oo ka doon lacagta Hotelka"
Sacad Cali shire ayaa hadalka dib u qaatay wuxuuna yidhi "Maxamedoow anigu mar dambe ku noqon maayo Muuse Biixi, ee Faysal Cali Waraabe aynu la hadalno oo u dirno". Faysal Cali Waraabe ayaa la'la hadlay waana loo warramay, waxaana Faysal balan-qaaday inuu beri subaxa u tegi doono.
Faysal barqadii ayuu Muuse Biixi u tagay wuxuuna u sheegay inuu laba arrimood ulasocdo oo kala ah; Cali Khaliif oo Muqdisho dan shakhsi ah u tagaya inuu la kulmo intaanu bixin oo sii gacan-qaado iyo inuu kasoo bixiyo 6 bilood oo Hotelkii ku leeyahay isaga labada dhalinyarada ah ee gacan yareyaasha u ah.
Muuse Biixi, wuxuu Faysal Cali Waraabe ugu jawaabay "Faysaloow aniga ninkaasi magaalada iima joogo, umana yeedhan, heer uu igula kulmona malaha ee wasiiradaas haduu doono hala kulmo, lacag aan Hotel kaga bixiyona mahayo. Ha ii keenin oo iima keeni kartid wallaahi haddii aad ii keentona waan xidhanayaa"
Faysal wuxuu u tagay Cali Khaliif wuxuuna uga warramay wixii uu lasoo kulmay, waxa kale oo uu sheegay in dadka wax garadka ah iyo ganacsatada ay is arki doonaan Somaliland'na laga jecel yahay, sidaasi darteedna uu safarkiisa iska soo dhammaysto, wixii uu kusoo tabcayna aanu Ninkan "Muuse" uga tanaasulin ilaa ummaddu la arkayo.
Cali khaliif wuxuu Faysal u sheegay inuu toddobaadka soo socda bixi doono, dantiisa markuu soo dhammaystona dadkiisi la kulmi doono, waxaanu ka codsaday inta uu kasoo noqonayo Muqdisho inaan labbada dhalinyarada ah Hotelka laga sii saarin iyo inaan cidna lacag loo waydiin ee uu Cali Khaliif ahaan usoo diri doono lacagta sida ugu dhakhsaha badan.
Dadku waxay Cali Khaliif kutiriyaan dadka lacagta haysta lakin xogtan oo aan ka helay Gacanta koowaad aanana xusayn magac iyo labba magac midna waxaan iswaydiinayaa halkee loo socdaa?
Lacagta Muuse iyo Wasiirada midna ma bixin kari waayine ee nin weyn tag lama yidhaahdee wuxuu kutagaa la tusaa!