Kismaayo-(Caasimada Online)-Magaalada Kismaayo oo habeenkii labaad uu bandaw ka dhaqan galay ayaa ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland waxaa caawa la dul dhigay guryo ay magaalada Kismaayo ka daganyihiin qaar ka mid ah musharaxiinta is badadal doonka ah.
Ciidamo la sheegay in si toos ah uga amar qaataan musharax Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa caawa is weer ka qabtay labo guri oo ay kala daganyihiin musharaxiinta kala ah Cabdinaasir Seeraar iyo Cabdirashiid Xidig.
Mid ka mid ah labadaas musharax ee guryahooda ay isku gedaameen ciidamadu ayaa waxa uu gurigiisu ku dhex yaalaa hoolka loogu tala galay in bari lagu qabto doorashada garabka is badal doonka oo ay ku mideysanyihiin qaar kamid ah musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweyne ee maamulka Jubbaland.
Qaar ka mid Xildhibanada garab isbadaldoonka ee ka dhisan magaalada Kismaayo ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in labadaas musharax guryahooda la dul dhigay xiidamo aad u badan, isla markaana lagu war galiyay inaysan guryahooda kasoo bixi karin.
22-ka bishan oo ku beegan bari oo khamiis ah ayaa labada garab ee ku loolamaysa doorashada Kismaayo, waxa uu sheegay garab walba inuu doorashadiisa qabsa doono.
Saacado kooban ayaa ka dhiman waqtigii garab walba uu sheegay inuu qabsanayo doorashadiisa, waxaana la saadaali karin sida uu xaal noqa doono.
Last edited: