Deg Deg: Beesha Caalamka oo Madaxweyne Farmaajo ugu baaqday inuu iscasilo
Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur-Goboleedka IGAD, dowladaha Itoobiya, Talyaaniga, Sweden, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska iyo Maraykanka oo aad uga walaacsan dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee siyaasadeed iyo amni ee ka dhacay Muqdisho, kuwaas oo halis u ah inay carqaladeeyaan guulihii amni iyo siyaasadeed ee sida dhibka leh lagu keenay, waxayna dhaawacayaan sumcadda Soomaaliya.
Beesha Caalamku waxay ku boorrinaysaa dhamaan madaxda ugu sareysa dalka Soomaaliya iney xilka isaga dagaan maadama siyaasadaha amni, gudaha iyo Dibadda ay ku fashilmeen.
Beesha Caalamka ayaa u sheegtay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Kheyre ineysan muhiim u aheyn kursi cidlo ah oo la iska fariisto waxeyna uga digeen in baaqooda dhagaha laga fureysto.
Beesha Caalamka ayaa sidoo kale sheegtay in ay hakin doonto dhaqaalaha Soomaaliya hadii aysan waxba isbadalin.
Waxaa maanta sigtay wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo daqiiqo ka hor ka tagay xarunta gobalka Banaadir, waxaana jira shaki laga qabo in Fahad Yaasiin uu qaraxyada ka fuliyo Muqdisho
Intii Farmaajo uu xilka hayay waxaa Soomaaliya ka dhacay qaraxyo waa weyn sida kii Soobe oo 500 halmar ku dhinteen iyo kuwa kale oo uu ugu dambeeyay kii Sabtidi ka dhacayw wadada aada Garoonka oo 20 qof shacab ah ku dhinteen.