Breaking news :"Jeegaan withdraw from Tukraaq and Yube to fight Col.Caare"

FBIsomalia

True Puntlander
VIP
GAROWE(P-TIMES)- Wararka ka imaanaya degmada Tukaraq ee gobolka Sool ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Somaliland oo saldhigyo ciidan ku lahaa deegaankaasi ay iskaga baxeen fadhiisimadoodii ciidan.

Ciidamadani oo ku gaashaaman gaadiidka dagaalka iyo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa la sheegay in ay u jihaaysteen dhanka magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, waxaana ujeedka ciidamadani lagu sheegay in ay ka hortagayaan weeraro kale oo Somaliland kaga yimaada dhanka Jabhadda Korneyl Caarre kadib weerarkii ka dhacay gudaha Ceerigaabo labo maalin ka hor.

Sidoo kale deegaanka Yubbe ee gobolka Sanaag oo ay isku hor fadhiyaan weli ciidamada Puntland iyo Somaliland ayaa isaguna la sheegay in ay ka baxeen gaadiid dagaal iyo ciidamo fara badan, kuwaas oo iyaguna ka qayb noqon doona ciidamada Somaliland ee ka baxay jiida Tukaraq.

Buuraleyda duleedka magaalada Ceerigaabo ee Karin ayaa la sheegay in ciidamadani saldhig ka samaysan doonaan, halkaas oo saraakiisha ciidamada Somaliland ay aaminsan yihiin in ay weeraro kaga soo qaadaan ciidamada Jabhadda Caarre oo marar kala duwan hawlgalo ka fuliyey qaybo kamid ah gobolkaasi Sanaag.

Deegaanka Karin oo ah dhul buuraleya ayaa ciidamada Somaliland ay bartilmaameedsan doonaan sidii ay uga hawlgali lahaayeen si looga hortago weerar kasta oo Somaliland kasoo wajaha dhanka Jabhadda Caarre oo dagaal kala soo hor jeeda ciidamada Somaliland.

Dablay hubaysan oo ka tirsan Jabhadda Korneyl Caarre ayaa habeenkii ay soo galaysay Isniintu weerar ku qaaday saldhiga ciidamada Booliska Somaliland ee magaalada Ceerigaabo, waxaana saraakiil u hadlay Somaliland ay sheegeen in weerarkaasi uusan gaysan wax khasaare ah isla markaasna ciidamadii ku sugnaa saldhigaasi ay iska cabiyeen kooxdii weerarka kusoo qaaday.

Xaalada gobolka Sanaag oo muddooyinkii ugu dambeeyey lugo badan aan ku taagnayn sababo la xidhiidha dagaal beeleedyo iyo weeraro lala bartilmaameedsaday ciidamada Somaliland ee kaga sugan magaalada Ceerigaabo ayaa waxaa qaybo kamid ah gobolkaasi Sanaag kusii qul qulayey ciidamada Somaliland, iyadoona hada walaac xoogan laga muujinayo ciidamadaasi kusii jeeda duleedka magaalada Ceerigaabo madaama xiisado cakiran ay ka taagan yihiin gobolka Sanaag.

Deegaanka Waqdariya ee gobolka Sanaag ayaa waxaa dhawaan ka dhacay dagaal u dhaxeeyey malayshiyaad huabysan oo kasoo wada jeeda gobolka Sanaag, waxaana odayaal shir ku qabtay magaalada Badhan ay ku eedeeyeen dagaalkii ka dhacay Waqdariya in uu ka dambeeyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo ay sheegeen in colaad hor leh uu ka dhex abuurayo beelaha wada dega gobolkaasi isla markaasna ciidamo kala duwan uu ku daabulay Sanaag si aysan nabad uga dhicin taas badalkeedna ay nabad ahaato Hargeysa iyo agagaarkeedu.

No more money to pay the soldiers, good excuse to fight Col.Caare. :siilaanyolaugh:.
 
Top