Another Al-Shabaab propaganda peddling bushman. We are truly cursed with these lunatics.
Denying reality when even caasimada is reporting it.Shabaab would be shooting their own business partners. This is of course not a good idea and therefore complete propaganda
This is what triggered AS intervention, Ciyaal weero are forcing Imams of mosques to do zina with another captured woman
Culusow has failed to protect them
Dhinaca kale, labadii habeen ee u danbeeyey ayaa degmooyinka Kaaraan iyo Heliwaa waxa ay dhalinyaro ku caweyneysay goobaha shaaha laga iibiyo, xaqiijiyeen inay arkeen maleeshiyo hubeysan oo wajiyada u qarsanaa, kuwaasoo dha;linyarada ka baarayay daroogada iyo waxyaabaha kale ee maanka dooriya.
Dhallinyaro dhacdadaas habeen hore ku qabsatay Xaafada Xaliimo Heyti ee degmada Kaaraan ayaa Caasimada Online u sheegay in maleeshiyo ka tirsan Al-Shabaab ay yimaadeen labo maaqayad oo shaaha laga cabo.
Dhalinyaradii ku sugneyd maqaayadahaas ayaa dhamaantood jeebabkooda laga baaray taabuuga iyo waxyaabaha maanka qofka dooriyo, kadibna maleeshiyadii Al-Shabaab ayaa si nabdoon goobta uga tagay markii ay daroogo ka waayeen dhallinta ay baareen, ayaga oo aan ka qaadan wixii kale ee ay haysteen.
“Ilaa sagaal nin oo hubeysan ayaa hal mar ka war helnay iyagoo dhinacyada naga taagan, waxay inoo sheegeen inaan is dejino, wax dhib ahna uusan jirin, kaliyana ujeedkoodu yahay inay naga baaraan daroogo iyo tubaakada taabuuga, markii ay na baareen oo dhallinyaradii ka waayeen wax daroogo ah, waxay inoo sheegeen in qofkii lagu helo ay nafta dhaafsiin doonaan, noomana sheegin cidda ay yihiin iyo halka ay ka tirsan yihiin, laakiin waxaan ogaanay inay ahaayeen Al-Shabaab markaan aragnay muuqaalkooda,” ayuu yiri Xuseen Cabdulle oo ka mid ahaa dhallinyaradaas.