Baidoa urban water supply and sanitation project to finish in September.

mohamedismail

Reewin. Lixda Gobol ee Maayland unii leh!
Wasiir ku xigeenka wasaarada tamarta iyo kheyraadka biyaha koonfur galbeed Mudane Abdullahi Isack Moalim (Abdullahi Ganey)oo uu weheliyo agaasimaha guud ee wasaarada iyo xubno kaloo ka tirsan shaqaale wasaarada ayaa maanta kormeer saacado badan qaatay ku maray goobo kala duwan oo ay ka socdaan shaqooyinka Mashruuca biyo galinta baydhabo (Baidoa Urban Water Supply and Sanitation Project) oo ay wada fulinayaa wasaarada iyo haayada IOM halka African Development Bank uu ka maal galinayo.

Goobahaan wasiirku maanta kormeerka ku maray ayaa waxaa dhamaantoodba kusoo dhaweeyay masuuliyinta shirkada Cawaale oo shaqada haysa,

waxayna wasiirka warbixin ka siiyeen shaqooyinka socda oo isugu jira dhismayaasha haaamaha biyaha oo yaryar iyo waaweynba leh iyo soo xiriirinta tubooyiinka biyaha ee ka imaanaya 20 ka cee lee isla mashruucan laga qoday, waxayna intaa raaciyeen in haatan meel gabo-gabo ah howshu mareyso bisha September wixii ka danbeeyana rajadu tahay in xaalada biyaha ee degmada baydhabo ay wax badan iska badali doonaan.
 

Trending

Top