ASWJ demand to be head of Presidential electoral commision as another crisis explodes in GM

TekNiKo

“I am an empathic and emotionally-aware person.
VIP
Khilaaf hor leh oo soo wajahay dhismaha Galmudug (Ahlu Sunna oo laga cabsi qabo inay ka baxdo)

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Khilaaf ayaa ku yimid geedi-socodka Doorashada Madaxweynaha Maamulka Galmudug, iyadoona uu dib u dhac ku yimid soo saarista jadwalka, ay tahay in loo maro Doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo Kuxigeenkiisa.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Khilaafkan ayaa yimid, ka dib markii Ahlu Sunada Gobolada Dhexe ay ka hortimid Guddiga Doorashada Madaxtooyada Galmudug, oo Axadii uu magacaabay Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, Maxamed Nuur Gacal.

Ahlu Sunada Galmudug ayaa u sheegtay Guddoonka Baarlamaanka Galmudug in Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Madaxweynaha ay tahay inuu ka yimaado Ahlu Sunna, haddii Gudoomiyihii Guddiga Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Galmudug uu ka yimid dhanka Dowladda Soomaaliya.

Madaxa Xukuumadda Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo la kulmay Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ayaa u sheegay inuu ku noqdo magacaabista Guddiga Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka, isla-markaana uu Gudoomiyaha Guddiga u soo magacaabo shakhsi ku saf ah Ahlu Sunna.

Wararka ayaa sheegaya in Sheekh Maxamed Shaakir uu ku goodiyay inay qaadici doonaan Doorashada Xafiiska Madaxtooyada, haddii aanu Gudoomiyaha Guddiga Doorashada ka imaan dhinaca Ahlu Sunna.Wararka ayaa intaa ku daraya in Magaalada Dhuusamareeb ay ka socdaan dadaalo lagu doonayo in xal loogu helo khilaafka ka soo cusboonaaday dhismaha maamulka cusub ee lagu wado in loo yegleelo dadka reer Galmudug.

Guddiga uu shalay soo magacaabay Gudoomiye Gacal ayaa maanta lagu waday inay muddeeyaan waqtiga ay dhaceyso Doorashada Madaxweynaha iyo Kuxigeenkiisaba, hase yeeshee ay u baaqatay diidmada ka timid Ahlu Sunna.

Dowladda Federaalka iyo Guddoonka Baarlamaanka Galmudug ma doonayan inay Ahlu Sunna ka baxo hannaanka maamul u samaynta Galmudug, xilli ay ka walaacsan yihiin tallaabada uu dhismaha maamulkaasi kaga maqan yahay Madaxweynaha weli talada Galmudug haya, waa Axmed Ducaale Geelle (Xaaf). Villa Somalia ayaa juhdi kasta ku bixin doonto, sidii ay Ahlu Sunna uga sii mid ahaan laheyd saamileyda Galmudug ee ku hawlan dhismaha maamulkaasi.

Khilaafka horgudban habsami socodka dhismaha Galmudug oo muddooyinkii ugu dambeysay soo jiitamaayay ayaa marba meel cagaha la gelaayay, taasoo keentay in dhismaha maamulkaasi lagu kala qaybsamo.

Khilaafkan wiiqay dhismaha Galmudug-ta cusub ayaa laga cabsi qabaa in uu horseedo waddo uu laba maamul ku yeelanayo Maamul Goboleedka ka dhisan Gobolada Dhexe.

Khayrlaawe is being used as a chump and is being sucked dry:chrisfreshhah::russ::russ:
 

Trending

Latest posts

Top