AMISOM still in control of Dhusomareeb and waiting for Farmaajo visit

Status
Not open for further replies.

Yonis

Puntland Youth Organiser
FKD Visionary
VIP
amisom-1.jpg


Waxaa maanta oo Axad ah lagu wadaa in ay gaaraan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galguduud ciidamo ka socda Midowga Afrika. Wararku waxay sheegayaan in ciidamadan ay sugi doonaan amniga Madaxweynaha jamhuuriyadda federaaliga ah ee Soomaaliya oo jadwalkiisa ay ka mid tahay in uu booqdo Dhuusamareeb oo ay hadda ka taliyaan Ahlu-Sunnah

Cabdisamad Macalin Maxamuud oo horey u soo noqdey Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladii kumeelgaarka ahayd haddana ka mid ah guddiga qaban qaabada soo dhaweynta wefdiga Madaxweynaha ayaa warbaahinta u xaqiijiyey ciidamada AMISOM ee markii u horeysey la geynaayo Dhusamareeb.

“ Waxaa la rajeynayaa in ciidamo ka socdo AMISOM ay yimaadaan halkaan si ay ula dagaalamaan Al Shabaab, waxay tagayaaan hareeraha magaalada si amaanka loo xaqiijiyo” ayuu yiri Cabdisamad Macalin.

Ma cadda dalka ay ka socdaan ciidamadan, waxaase gobolka galguduud ku sugan ciidamo ka socda dallka Itoobiya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa maanta booqasho ku tegi doono maamul goboleedka gGlmudug kadib markii uu dhamaysto booqashadiisa Gaalkacyo, waxaana laga sugayaa Cadaado, Caabudwaaq iyo Dhuusamareeb.

https://horseedmedia.net/2018/01/14/ciidamo-ka-tirsan-amisom-oo-ku-wajahan-dhuusamareeb/

@saywalahi what was that about local control and how there is no AMISOM in dhusomareeb:drakekidding:
 
Last edited:

Abdalla

Medical specialist in diagnosing Majeerteentitis
Prof.Dr.Eng.
VIP
kkkkkkk dhuusomareebians are flying over chairs from Xamar so the delegation of Farmnaajo don't have to sit on the ground :dead::dead:

15159507081776.jpg
 
Status
Not open for further replies.

Trending

Top