AMISOM Soldiers Open Roads In Hiiraan

Status
Not open for further replies.

Yonis

Puntland Youth Organiser
FKD Visionary
VIP
Jid-xirnaa-oo-la-furay-1.jpg


Jid-xirnaa-oo-la-furay-2.jpg

Buulo-burde (PP) ─ Ciidamada AMISOM eek u sugan Degmada Buulo-burde ee Gobolka Hiiraan ayaa fureen Waddada laamiga ah oo hore ugu xirneyd, kaddib markii ay wadahadallo dhex-mareen maamulka degmada iyo saraakiil ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa ka socda dalka Jabuuti.

Guddoomiyaha degmada Buulo-burde, Cabdi Daahir Guure ayaa la kulmay dhowaan saraakiil ka tirsan AMISOM isagoo kala hadlay sidii ay u dib ugu furi lahaayeen waddada laamiga ah ee dhex-marta degmadaas.

Sidoo kale, furitaanka waddada kaddib ayaa shacabka Buuloburde waxay bilaabeen inay ka shaqeeyaan nadaafada goobaha muhiimka ah ee degmada sida; Xarunta Degmada ,Maxkamadda iyo Afaafka hore ee Masjidka weyn ee bartamaha degmadaas ku yaalla.

Guddoomiyaha Buulo-burde ayaa sheegay inay sare u qaadi doonaan horumarinta degmada, isagoo uga mahad-celiyay shacabka magaalada dadaalka ay muujiyeen.

Ugu dambeyn, Degmada Buulo-burde oo ka mid ah degmooyinka Gobolka Hiiraan ayaa waxaa dhex-marta waddo laami ah ee isku xirta deegaannada Koofureed iyo Waqooyi Somalia, laakiinse waddadaaas ayaa u xiran ururka Al-shabaab iyadoo gaadiidka ay isticmaalaan waddooyin aan hagaagsanayn.

Your AMISOM masters are becoming generous :mjpls:
 
Status
Not open for further replies.

Trending

Top