Amhara Begging Rackets In Puntland

DR OSMAN

AF NAAREED
VIP
354460996_6567619049974159_8298707999843670850_n.jpg


DIGNIIN!

"Forced begging human trafficking"?

Mashruucan tuugsiga:

Mashruucani waa mid aad ugu soo badanaya waayadan dambe Magaalooyinka Puntland. Wuxuuna u eg yahay barnaamij isku xiran oo qaab maafiyo camal ah dadka lacag looga urursanayo. Dadkan oo gaarayaa boqolaal, ilaa iyo kumanaal aad iyo aad ayaan uga shakiyey. Waana khatar soo korortay haddii shakiga igu jiraa uu run noqdo.

Waxyaalaha aan ku arkay ee shakiga i geliyey ama la oran karo waa caddayn in dadkani yihiin dad lagu soo khasbay tuugsiga waxaa ka mid ah arimahan soo socda:

1. Marka hore waxaad ogaataa in uu jiro nooc tuugsi ah oo loo yaqaan "forced begging human trafficking" ka ganacsi dad lagu khasbay inay tuugsadaan. Dadkaas la soo khasbay lacagta ay ururiyaan waxay ku lee yihiin wax aad u yar. Lacagta inteeda badan waxaa iska leh maafiyada abaabulan ee soo khasabtay. Waxaana jira siyaalo badan oo dadka loo soo khasbo oo loogu shaqaysto, sida in dil loogu hanjabo, in caruur yaryar laga haysto, ama in dhaqaalana loo balan qaaday loona hanjabay oo xoog lagu haysto.

2. Dadkaan tuugsanaya dhamaantood waa hal qawmiyad, waana wada Itoobiyaan, gaar ahaan qabiilooyinka laga tirada badan yahay sida Uraagada. Tan kale waxyaalaha aan la yaabay waxaa ka mid ah dadkaan uma eka inay Muslim yihiin. Intooda badan ma garanayaa Shahaadada, Bisinka, Saliga Nebiga scw iyo waxyaalo qof kasts oo muslim ah garanayo. Waxaase ku jira qaar wax yar aad moodo in hadda loo soo laqimay.

3. Dadkani taleefanada ay wataan oo lacagta loogu shubayo ma garanayaan lambarka sirta ah ee lagu galo. Isticmaalka taleefankana maba garanayaan. Qaarkood maba wataan taleefanka oo meel kale ayaa laga haystaa lambarka. Haddii lacag kaa khaldantana kuuma soo celin karaan.

4. Dadkaan waxaa loo soo xiray oo aad markaba ka dareemaysaa dhar aysan dhaqan u lahayn. Sida xijaabka. Ragga oo dhalinyaro shaqaysan karta u badan waxay xiran yihiin macawiso iyo cimaamado aad arkayso inaysan horay u xiran jiran. Waxaa igu jira shaki weyn oo ah inaysan Muslim ahayn. Balse adiguba waad waraysan kartaa.

4. Dadkaan lacagta taleefanada ku dhacda ma isticmaalaan ee waxay cunaan oo ku nool yihiin raashin xaafaddaha laga siiyo.

Ugu dambayn, arintaan waa arin u taal dawladda oo loo baahan yahay inay si degdega ah baaritaan ugu samayso oo haddii ay caddaato in dadkaan lagu shaqaysanayo ay raadiyaan kooxda maafiyadda ah ee ku shaqaysanaysa. Ka dibna sharciga la mariyo. Kuwa tuugsanayana degdeg loo ururiyo, dadkana lagu wacyi geliyo inaan dadkaan lacag la siin ee kaliya waxay cunaan la siiyo inta laga saarayo oo laga geeynayo meelihii laga keenay.

Shariikadda Golis ee ay wataan lambaradooda ayaa laga ogaan karaa halka dhaqaalahan faraha badan ee dadka laga ururinayaa uu aado iyo cidda dadkaan ka dambaysa. Maanta ma aha wax adag in la ogaado dadkan waxa ay yihiin.

Shacabku wuxuu xaq u lee yahay in laga ilaaliyo mashruucyada noocan ah.

Dadkeena waa dad jecel sadaqada inay la baxaaan. Gaar ahaan dumarka soomaalidu waa dad wax la baxa. Hadaba waxaan kugula talin lahaa inaad sadaqadiina ku bixisaan meel la hubo iyo dad aad hubtaan inay masaakiin yihiin.

Barnaamijkan dawladda ayaan uga fadhinaa inay wax ka qabato waliba si degdeg ah. Dawladda markaan lee yahay, waa ay ku jiraan golayaasha deegaanka ee degmooyinka iyo Gudoomiyeyaashooda.

Dadkaan ma haysaa oo ma joogaan magaaladaada? Maxaadse ka fahamtay hawshan aan ka shakiyey?

W/Q Musse Said Aw-Musse
 

Trending

Top