Aljazeera documentary on the corruption regarding Somalia's ports (specially the port of Somaliland)

Status
Not open for further replies.

Bohol

VIP
Dawladda Imaaraadka Caraba ayaa fara kulul ku heeysa dekeddaha dalalka ku yaala Bariga Afrika sida Soomaaliya, Jabuuti iyo Ereteeriya. Hadaba, Telfishinka Aljazeera qeeybtiisa Carabiga ayaa warbixintaas uu ugu magac daray Dagaalka Dekeddaha ka diyaariyey.

Dawladda Imaaraadka ayaa dooneeysa in Geeska Afrika aysan ka soo bixin deked kalle oo caalami ah taas oo laga dhiso wadamadda ku teetsan Bariga Afrika si dekeddooda ay u noqoto midda kelli ah ee la isticmaalo.

Barnaamijkaas ayaa lagu sheegay in sababtii ay isku khillaafeen dawladda Jabuuti iyo Imaaraadka ay ku saabsaneen Imaaraadka oo aan daacad ka aheen in dekkedda Jabuuti ay noqoto deked si fiican u shaqeeysa taas oo isku xirta ganacsiga caalamka. Marka ay aragtay dawladda Jabuuti in Imaaraadka wax naf ah uusan u heeyn ayeey door biddeen ineey iska ceeyriyaan shirkadda DP World.

Hadaba dagaalka Dekeddaha ee Imaaraadka ayaa waxaa ku caawiyey ineey hanato dekeddaha Soomaaliya sida Berbera iyo Boosaaso shaqsiyaad iyo ganacsato. Waxaa warbixinta lagu soo qaatay in wiilka uu dhalay Dahab Shiil iyo will uu sodog u yahay Siilaanyo ay qeeyb ka ahaayeen in lagu wareejiyo dekedda Berbera dawladda Imaaraadka.

Dawladda Federaalka ayaa iyadu sheegtay ineeysan wax war ah ka heeyn heshiisyadaas lala gallay maamulka Puntland iyo kan Hargeeysa. Sidoo kalle, Madaxweeyne Farmaajo ayaa arrintaas kalla hadlay dhaxal suggaha Imaaraadka ee ku aadan heshiisyada lala galley Puntland iyo Maamul Goboleedka Hargeeysa, hase ahaatee Imaaraadka ayaa dhagaha ka fureeystay codsiga Dawladda Federaalka ee Soomaaliya ee ku aadanaa heshiisyadaas.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in shirkadda Dahabshiil ay la gashay heshiisyo shirkaddo ka jira dalka Ingiriiska si ay ugga caawiyaan in qoraalo ku jira Googleka ee la xiriira ineey taageeraan argaggixisada laga saaro. Shirkadahaas ayaana ku guulleeystay ineey Google ka kala hadlaan sidii looga saari lahaa warbixinadaas. Hadab qoraaladii awal laga helli jiray Google ee ku saabsanaa Dahabshiil in uu taageero argagixisada ayaa maanta haddii aad baart aadan ka helleeyn.

Hadaba, warbixintaas oo dheer fadlan hoos ka daawo.
 

Karim

I could agree with you but then we’d both be wrong
HALYEEY
VIP
Oh!! I Love Al Jazeera. Always tracking the dirty politics of spoiled rich Khaliji fuckers. This channel causes heart attacks for UAE and Saudi goverments.
 
Status
Not open for further replies.
Top