Al Shabab to control 2020 Parliament by controlling the elders

TekNiKo

Loyal To The One True Caliph (Hafidahullah)
VIP
Al-Shabaab waxay qaadeen talaabo aad u qaraar in la maqlo balse markaan weyba dabaqayaan waxayna tahay hanaan sharci inay maraan sidii ay xildhibaano ugu yeelan lahaayeen doorashooyinka lagu balansan yahay in sanadka 2020 gudaha Soomaaliya ka dhacdo laguna soo doorto hogaanka dowladda dhexe.

Al-Shabaab ayaa saameyn ku yeelanayaan haatan odayaasha soo xulayaan ergada qabiilada u matalayaan kuraasta barlaamaanka ayagoo Al Shabaab hanjabaad iyo laaluush bixin isku darayaan sidii ay ergo ugu yeelan lahaayeen xildhibaanada cusub ee lasoo xulaayo.

Odayaasha wicitaanka Al-Shabaab ka jawaab celiyeen ee Shabaab la kulmeen 20-maalmood ayaa lagu heestay meel aan la aqoonin oo gudaha dalka ah. Waxayna qaateen kulan ay Al Shabaab u arkeen inuu ahaa mid ay odayaasha kula fal galayaan waxayna dajiyeen qorshe dagan oo aan dhiig ku daadaneyn oo ay tallada dalka kula wareegayaan.


“Waxay nasiiyeen dhar iyo lacag waxayna inoo balan qaadeen bil walbo $300 inay nasiinayaan haddii aan amaradooda qaadano. Waxay inoo sheegeen in dalka gaalo qabsadeen sidoo kalena ay naga rabaan inaan garab ku siino sidii aan tallada dalka dib ugu soo celin laheyn gacanta Islaamka.” Sidaas waxaa dhahay odey dhaqameed aan rabin in magaciisa la xuso.


Ayadoo la wada ogyahay in seddex hanaan Baarlamaan doorasho la qaban doono kuwaas oo kala ah Galmadug oo bishan September lagu madalsan yahay, Koonfur Galbeed oo October la qabanaayo iyo dooraashada guud ee madaxweyne lagu soo dooranayo iyo labada aqal 2020, waxay rabaan Al-Shabaab sedexda doorasho muhiimka ah ee harsan inay ku yeeshaan ergo iyaga matalaan oo xildhibaano loogu doorto barlamaanada si ay siyaasada Soomaaliya awood muuqato ugu yeeshaan.

Waa Maxay Saameynta Ay Odayaasha Leeyihiin?

Haddii aan wax isbadal ah lagu sameynin hab raaca nidaamka doorashada Soomaaliya u dagsan odayaasha iyaga ayaa soo xulaan ergada u tartameyso xildhibanaada Beelaha kala duwan kadibna waxay soo doortaan madaxweynaha. Waagii hore waxay ahaan jirtay Beelaha ama Qabiilada iyagaa toos usoo dooran jireen xildhibaanada kadibna waxay dooran jireen madaxweynaha sidaa darteed marnaba saameynta odayaasha dhaqanka meesha lagama saari karo.

Odayaasha qaar waxay ka qayb qaateen cashirada Al Shabaab ay shacabka ugu tala galeen si ay fikirkooda uga gadaan waxayna odayaashaas sheegeen in mintidaanta Shabaab ay xoog adeegsan doonaan si ay odayaasha ugu qasbaan inay soo xulaan ergo Al-Shabaab ah oo barlamaanka Soomaaliya loo dooran doono sanada 2020.


Habka kaliya ee Al Shabaab odayaashaas ku dhaafi karaan waxay tahay haddii Soomaaliya laga hirgaliyo nidaamka doorashada hal qof iyo hal cod haddii ay midaas dhici weyso Al Shabaab waxaa go’aan u ah oo ay u sheegeen odayaasha inay soo xulaan ragga Al Shabaab ka tirsan si ay kuraasta baarlamaanka aqlibiyad ugu yeeshaan.

Si loo helo nidaamka hal qof iyo hal cod waxaa loo baahan yahay Dastuurka qabyada ah in la dhameestiro, in la xureeyo weli dhulalka ama deegaanada Al-Shabaab ka taliyaan kadibna dalka loo diyaariyo doorooshinka hal cod iyo hal qof laakiin waa howlo culus oo qabashadooda suurtagal ahayn waqtiga harsan marka loo eego.

Dhawaan doorashooyinkii ka dhaceen Jubballand waxaa kasoo baxday kala qeybsanaan ku aadan inay jirin midnimo dhex taalo dowlada dhexe iyo maamul goboleedyada waana arin fursad u ah Al-Shabaab oo ay ka faa’iideesan karaan madaama khilaaf walbo oo maamul dowli ah ku saleesan uu sii kordhin karo fursada mintidiinta.

Ayadoo hal sano ka harsan tahay doorashooyinka guud Al-Shabaab waxay rabaan inay sii wadaan xasilooni darrada ay dalka ku hayaan waxayna dhawaan sheegteen weerarkii ismiidaamin ee lagu dilay duqii hore ee Muqdisho Eng Abdirahman Omar Osman “Yarisow” weliba aydoo weerarkan uu ka dhacay xarunta Dowlada Hoose ee Gobolka Benaadir.

Aqbaartan naxdinta weyn abuurtay ee masuuliyin badan lagu dilay waxay dad badan galisay rajo beel iyo dood ku aadan sida suurta gal u tahay doorashada xigta in la qabto. Waana hubaal in Al-Shabaab sameyn doonaan wax walbo oo ay tallada dalka ku qabsan karaan ama saameyn ugu yeelan karaan waxayna sameyn doonaan laaluush bixin dhanka xulushada ergada, hanjabaad iyo cabsi galin odayaasha ku aadan ama xitaa qaarijin haddii ay amarada Shabaab diidaan si ay dadka ay iyaga rabaan loogu soo xulo.

Qoondeynta Xulista Ergada Wey Tagnaan Doontaa:

Sida hadda muuqato waxay aad ugu badan tahay sanadka dambe doorashada guud ee dhici doonto in loo mari doono hanaanka odayaasha ay soo xulayaan xildhibanaada waxayna Al-Shabaab ku dadaali doonaan juhdi iyo wax walbo ku bixin doonaan fursada hortaalo inaysan ka qasaarin ayagoo odayaasha cadaadis walbo ku saari doonaan si ay ergada lasoo xulaayo kaalin muuqato ugu yeeshaan.

Al Shabaab hadda ayey ogaadeen muhiimada ay odayaasha dhaqanka leeyihiin ayagoo horey u dili jiray markaana waxay rabaan inay si wanagsan ula dhaqmaan ayagoo sameyn doonaan wax walbo oo ay ku kasbanayaan meeshana lagama saarayo kuwa amarada Shabaab qaadan waayo in dilal qorsheesan lala beegsan doono sida dhaqanka u ah Al-Shabaab qofkii amarkooda diido ma dhaafaan si walbo oo u muhiim ugu yahay.

Waxay noo sooreen si heer sare ah, waxay cunno inoo siin jireen sida boqorada oo kale. Waxay inoo qabteen shahaadada sida inaan nahay kuwa qaadashada diinta islaamka ku cusub. Waxay inoo soo iibiyeen dhar, kabo cimaamadaha madaxa lagu xirto. Sidoo kale odey kasto waxaa la siiyay $200 markii aan kasoo tageenay waxayna inoo balan qaadeen inay bil walbo na siin doonaan $300” Sidaas waxaa dhahay odey diidan in magaciisa la xuso.

Su’aasha waxaa haatan loo dhigi karaa dadaalka ay Al Shabaab bixinayaan imisa xildhibaan ayay ku kasban karaan ama ku heli karaan madaama ay mar hore soo bandhigeen qorshahooda ku aadan sidii ay door ugu yeelan lahaayeen xulista ergada doorashada 2020 madaxweynaha soo dooran doonto. Waxaa muuqato inay in badan dhanka qorshaha iyo talaabo qaadista kaga horeeyaan dowlada dhexe oo weli arimo badan ay qabyo ka yihiin.

Kadib markii duqii hore Yariisoow la dilay madaxweyne Mohamed Abdullahi Farmaajo wuxuu qirtay in halista Al Shabab aad u sareyso wuxuuna amray in duulaan lagu aado sidii dalka looga sifeyn lahaa xitaa waxaa dhacday qaar ka mid ah odayaashii Al Shabaab u tageen in meelo kala duwan oo dalka ka tirsan lagu xiray.

Walaaca ugu weyn ee la qabo waxay tahay heerka uu gaarsiisan yahay musuq maasuqa Soomaaliya taasi oo hubaal ahaan saameyn xoogan ku yeelan doonto xulista ergada iyo doorashada madaxweynaha, sidaa darteed Al-Shabaab oo dhawaanahan dhaqaalo ku filan aruursanayeen waxaa hubaal ah lacagtaas inay ku maamuli doonaan xulista ergada iyo doorashooyinka dhici doonaan si ay u helaan xildhibaano ay ku yeeshaan barlamaanada kala duwan.

Sidaa darteed gudiga doorashooyinka qaranka qaabilsan iyo Dowladda Dhexe waxaa laga rabaa inay si deg deg ah u sameeyaan istaraatiijiyad ku aadan sidi Shabaab looga hor istaagi lahaa inay xulista xildhibaanada saameyn ku yeeshaan, waxayna kasii xumaan doontaa sheekada marka ay helaan madaxweyne dhankooda ah balse sidaas inaysan dhacin ayaa wanaagsan!


While we bicker about clans the real enemy is preparing to elect their new Parliamenterians thus controlling the 2020 electioon :mjhaps::meleshame:

@Ferrari @SomaliWadaniSoldier @Shaolin23 @nine @Creed @Teeri-Alpha @diaby
 
I think a viciously violent group and well-run like Al Shabaab who is supported by a belief system with many true believers among Somalis is much more likely to succeed in taking control and governing than the make-believe, act-European 'federal' government currently in place which does not enjoy any real support because Somalis are not a group with any history of modern statehood and by all signs, are ill-suited toward it. I think the U.S + whole world will be willing to let Shabaab take control if they agree to not be a base for foreign terrorists/don't attack neighboring states.
 

Farm

VIP
What happens to these low IQ elders when we switch to a 1man 1vote system?

Those elders don’t have a choice so they aren’t exactly low IQ the alternative is them getting killed. Also one person one vote will never happen across Somalia, it’s not realistic and the security environment has actually been regressing under the Failmaajo regime.
 
Those elders don’t have a choice so they aren’t exactly low IQ the alternative is them getting killed. Also one person one vote will never happen across Somalia, it’s not realistic and the security environment has actually been regressing under the Failmaajo regime.
one man one vote when you know next to nothing about your candidates, their policies, those who are endorsing them, etc... is dumb af. couple that with most of the country being illiterate, and qabiil being more alive today than it was in the 90s, unrealistic.

Somalidu waa seef labood inta badan, they rush to everything.
 

kickz

Engineer of Qandala
SIYAASI
VIP
Those elders don’t have a choice so they aren’t exactly low IQ the alternative is them getting killed. Also one person one vote will never happen across Somalia, it’s not realistic and the security environment has actually been regressing under the Failmaajo regime.

Even more of a reason to have 1man 1vote, if these low IQ elders can so easily be subdued.
 

Shaolin23

Seeker of knowledge and truth
The biggest failure of Somali society is not seeing the fight against AS as an ideological battle like the rest of the Muslim world they still see the government vs AS as Muslim vs Muslim but AS sees it as Muslim vs kuffars Somalis are illiterate and ignorant in deen and worldly matters the same this is why AS will never be defeated you may kill them but their ideology will live on because no one challenges it
 

tyrannicalmanager

pseudo-intellectual
no wonder al-shabaab have been slowing down there attacks.
there planing to takover the fgs.
while n&n were busy with jl galmudug.
if they don't act now, it will be the end.:jcoleno:
 
Last edited:
I hate al shabab make no mistake about this but the government doesn't have the ability to get rid of them. The government and Al shabab should negotiate . Start negotiating No more attacks in return the government makes certain concessions this is the only way forward right now. Spain did the same thing with Eta

start the oil exploration before it all it becomes worthless
 
I hate al shabab make no mistake about this but the government doesn't have the ability to get rid of them. The government and Al shabab should negotiate . Start negotiating No more attacks in return the government makes certain concessions this is the only way forward right now. Spain did the same thing with Eta

start the oil exploration before it all it becomes worthless

It’s often hard to differentiate the two since Shabab has successfully infiltrated the government on multiple levels.
 

Trending

Top