Al Shabab Attack Afgooye

Status
Not open for further replies.

Yonis

Puntland Youth Organiser
FKD Visionary
VIP
Al-Shabaab-fighters-014-1024x614.jpg



AL-SHABAAB OO QARAXYO IYO WEERARO TOOS AH KU QAADAY AFGOOYE



Al- Shabaab ayaa xalay weerar waxa ay ku qaadeen degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose.

Weerarkan ayaa waxa uu ku biloowday qaraxyo ay fuliyeen Al-shabaab waxaana xigay weerar toos ah oo ay Al-Shabaab ku soo qaadeen degmadaasi.

Weerarka iyo qaraxyada ayaa lagu qaaday fariisinka ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin gudaha degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose.

Sidoo kale waxaa jirtay in madaafiic la isku weeydaarsanayay inta uu dagaalkaasi socday iyo hubka noocyadiisa kala duwan.

Ilaa iyo hadda si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay weerarkaasi xalay ka dhacay degmada Afgooye ee Gobolka Sh/hoose oo ay soo qaadeen Al-Shabaab .

Afgooye ayaa 30-KM waxa ay u jirtaa magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaana soo laa laabtay weerarada ay ku soo qaadaan Al-Shabaab.
 
Status
Not open for further replies.

Trending

Top