Al Shabaab kills SNA general in Mogdishu

Manafesto

[[Puntland Republic 🇸🇱]]PIM[[C.S(BihinYusuf)]
VIP
HalimoEnthusiast
Sarkaal katirsanaa ciidanka milatariga Soomaaliya oo lagu dilay Muqdisho


202041637213461232343270.jpg


Arbaco, April, 1, 2020 (HOL)- G/sare Cusmaan Muuse Maqaarow oo kamid ahaa saraakiisha Ciidanka Milateriga Soomaaliya, ayaa lagu dilay qarax miino oo lagula eegtay degmada Hodan ee gobolka Banaadir.


Kooxda Al-shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkaan oo ka dhacay inta udhaxaysa Tarabuunka iyo Isbitaalka Digfeer,

Weerarkaan ayaa sidoo kale waxyeelo ay kasoo gaartay qaar kamid ah ciiddanka ilaalada sarkaaka la dilay oo la socday gaari tikniko ah oo uu qaraxu haleelay.

Al-shabaab waxay sheegeen inay weerarkaan ku dileen sarkaalka iyo afar kamid ah ilaaladiisa, balse warar kale oo aan helnay waxay sheegayaan in dhimashadu tahay sarkaalka iyo hal askari.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
abdiwali.sheikh@hiiraan.com


https://www.hiiraan.com/news/2020/A...um=rss_notification&utm_id=114676.39829150066
 

Trending

Top