Aduunyooy xaalkaa ba'

Soomaali hadaan nahey isku filnaansho ma gaari karnaa?

  • Haa

    Votes: 8 100.0%
  • Maya

    Votes: 0 0.0%

  • Total voters
    8
Status
Not open for further replies.
Fallaadhu gilgilasho kaagama baxdo, Soomaali hadaan nahey waxaa inagu taagan aydin, seed ama laf ayaa waa hore ina boodey, dhib kastoo jira inaan qowmiyada ama ummada kale dusha uga tuurno waxey la mid tahey hadalkii Fircoon oo uu Sixiroolayaashii uu soo kireystey ay ku gacan seyreen kadibna uu ku eedeeyey Nabi Muuse ayaa macallinkiini weynaa ahaa ee idin barey waxan aad maluuqdeen eed malmalaasteen.

War iyo dhammaantiis, Soomaali hadaanu nahey yeynaan cidna waxba ka sugin oon inaga isku kalsoonaano inaan wax qabsan karno, dhib iyo dhibaata kastana aan ku dhameysano qurac hoostiis.

Waa Abras oo idin salaamey, meejan waan ku cusbahey hadii aan wax walaaqey yaan la ila yaabin
 
Mahadsanid walaal soo dhaweenta wanaagsan eed iif idisey, waanab yaabanaa topigan miyeyna cidna il naxariisa ku fiirineyn baan islahaa, mar hadaad adigu soo dhacdey waa barako Alle
 
Mahadsanid walaal soo dhaweenta wanaagsan eed iif idisey, waanab yaabanaa topigan miyeyna cidna il naxariisa ku fiirineyn baan islahaa, mar hadaad adigu soo dhacdey waa barako Alle
soo dhaweyn maba kuu fidine maxaad beenta iiga sheegeysaa, waxaan kuweydiiyey qabilkaada iyo mesha dagantahay.:drakelaugh::chrisfreshhah::drakewtf:
 
soo dhaweyn maba kuu fidine maxaad beenta iiga sheegeysaa, waxaan kuweydiiyey qabilkaada iyo mesha dagantahay.:drakelaugh::chrisfreshhah::drakewtf:

Gaaja iyo abaar baa dadkii leyneyso adna qabiil ayaad ka hadleysaa, kaaf iyo kala dheeri, kurtun qurac salkii ka soo go'ey ciribta ha kaa galo
 
Mahadsanid walaal soo dhaweenta wanaagsan eed iif idisey, waanab yaabanaa topigan miyeyna cidna il naxariisa ku fiirineyn baan islahaa, mar hadaad adigu soo dhacdey waa barako Alle
Dadkii page-kaan ku dhakoolay way kaa cabsadeen marka aad ciwaanka af-soomaaliga ku qortay marka xooga adkayso. Ileen meeshan waxaa ku dhex nool reer hooyo mataalo.
 
Warya khasab ma ku ledahay dadka? Hadu rabin inu ki shego qabilkisa iska daf

Mahadsanid abaayo, dadkii ayaa gaajo iyo oon la dhimanaayo markaas ayuu qabiil iyo qabyaalad keenayaa, laakin wuu iska ciyaarayey saan filayo ee daacad kama ahan su'aasha uu i weydiinaayey
 
Somalis are awaiting the messiahs (aabo siyaad) return and only then can we reach isku filnaasho lakin Farmaajo is paving the way for the return of the messiah.
 
Status
Not open for further replies.

Trending

Top