5 Trips and zero pay farmaajo 's travel Expenses

Status
Not open for further replies.
5 Safar oo aan Shillin Ku Bixin, Sirta Safarada Farmaajo!
0 May 2, 2017
coldoon-Copy.jpg




May 02, 2017 Ilaa iyo hadda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaaliga ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi (Farmaajo) wuxuu galay 5-safar waxa Dad badani is weydiinayaan Safarada Madaxweynuhu mexey uga duwan yihiin safaridii Madaxdii Hore? iyo Kharashaadka ku baxaya Safardaas ?

Ma jirto Diyaarad Khaas ah (private) oo lagu kireeyay canshuurta laga qaaday dadka soomaliyeed oo uu Raacay MD Farmaajo.

SAFARADA IYO DIYAARADAHA:

1-Sucuudiga:
Diyaaraddii uu Madaxweynuhu raacay waxay ahayd mid si gaar ah boqortooyada sucuudigu ugu soo dirtay.

2-Jordan:
Diyaaradda Madaxweynuhu raacay waxaay ahayd mid si gaar ah jaamacadda Carabtu ugu soo dirtay maadama uu ka qaybgalayay shirkii wadamadda carabta ee Ka dhacay Magaalada camman ee dalka urdun.

3-Kenya:
Diyaaradda madaxweynuhu ugu safray dalka Kenya waxaay ahayd FREEDOM AIR oo ka mid ah diyaaradaha shacabka ee maalin kasta ka dhoofa xamar , shacabka ayuu ku dhex safaray oo si gaar ah looguma kireyn madaxweynaha. Wuxuu ku raacay qiimaha tigidhada ee qofka shacabka ah laga qaado.

4-Emaaraatka:
Diyaaradda qaaday madaxweynaha waxaay ahayd mid si gaar ah oo maamuus leh dowlada imaaratku ugu soo dirtay.

5-Turkey:
Maamuus aan Horay loo arag ayey Dawlada Sharafta leh ee Turkey u Muujisay Somalia. Diyaaradda madaxweyne farmaajo loo soo diray waxaay ahayd diyaarada gaarka ah ee qaada madaxweynaha turkiga.

Muhiimada qoraalkan waa in shacabku ogaadaan in aysan khasaarin taageeradii iyo garab istaagii ay siiyeen madaxweynaha soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Labada qodob ee in la xuso mudan waa dhaqaalaha iyo kharashka inoo baaqday ee markii hore ku bixi jiray diyaarado lasoo kireeyo iyo qodobka kale oo ah maamuuska iyo ixtiraamka aynu ka helnay wadamada aduunka mar hadii wadankii Madaxweynaha casuma uu soo dirayo diyaarad gaar ah.

Gunaanad:
Bulsho walbaa qayb bey katahay Horumarkeeda, Saan-saan wanaagsan iyo wadadii Horumarka ayey u muqataa inaan cagta Saarnay, iskaashiga Shacabka iyo Dawladu wuxu sabab u noqon karaa in la gaaro Yoolka lagu Taamayyo.

Taageerada Shacabku u Muujiyaan Madaxdoodu wexey sabab u noqon kartaa dadaal iyo Dhiirinaan hor leh oo Madaxdu samayso, Wax-qabadka Suubban ee Madaxduna wuxu Kalsooni Buuxda Gelin karaa Shacabka ay Madaxdu metesho.

WQ: Cismaan Indhaquraarad
FAAFIN:Waaberipost.com
SOOMAALIYA HA NOOLAATO!


 
Status
Not open for further replies.
Top