mohamedismail
Reewin. Lixda Gobol ee Maayland unii leh!
Raxanweyn iyo Dadka la degaanka ah maxay ka kororsadeen Dowladnimada Soomaaliya?
Iftiimin: Digil & Mirifle (Raxanweyn) iyo Koonfur Galbeed ma ahan laba magac oo la isku beddeli karo. Waxaa jira dad badan oo Digil iyo Mirifle ah oo aan reer Koonfur Galbeed aheyn, iyo sidoo kale dad badan oo reer Koonfur Galbeed ah oo aan Digil iyo Mirifle aheyn. Sidoo kale, Baay iyo Bakool ma ahan naaneysta Raxanweyn, waxaabad mooddaa in labadaas gobol la isu raaciyay si dhulka kale Digil iyo Mirifle wax ka degaan — Gedo, Labada Jubba, iyo Shabeellada Hoose — taariikhdooda looga tirtiro.
Shalay waxaa magaalada Laascaanood ka dhacday arrin gilgishay dareenka dadka Soomaaliyeed meel ay joogaanba. Waxaa subax Laascaanood uu maamulka Somaliland ka raafay oo inta baabuur lagu guray la barakiciyay dad 700 gaaraya oo muwaaddiniin Soomaali ah, una badan hal reer iyo in la degaan ah. Hore waxaa u dhacay arrimo la mid ah, kuwa u eg, iyo kuwo aad uga foolxun, oo dhamaantood ku wajahnaa isla reerahaas ka mid ah isirka Soomaaliyeed. Waxa aan isku dayayaa in aan qoraalkan ku iftiimiyo arrinkaas waxa sababay iyo jidkii loo soo maray halka maanta la taagan yahay. Aragti ahaan, waxaa ii muuqda in waayihii dalku soo maray iyo dhacdooyinkii 80 sano ee na dhaafay aaney mar na u turin Raxanweyn iyo dadka la degaanka ah.
Haddii aan taariikhdan dhow ee la wada yaqaan ka soo billowno, wixii ka horreeyay gumeysigii reer Yurub, ma jirin dowlad Soomaali leedahay oo soohdin la yaqaan leh, se waxaa jiray dhul ay dadka Soomalidu leeyihiin oo siyaabo kala duwan ugu noolyihiin. Hanti danguud ah ma jirin iyo xoolo dadka ka dhexeeya oo dad loo igmado in ay maamulaan. Sidaa darteed ayaan maangal u arkaa in ka hadalka saameynta dhaqan-dhaqaale ee maanta taagan laga soo billaabi karo markii wax la isku darsaday, ee in dowladoobo la doonay.
Markii uu billowday baraarugga siyaasiga ah ee dowladnimada casriga ah oo ku beegan sannadihii 1940-aadkii, dalka waxaa ka sameysmay ururro iyo dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed. Bulshaweynta Digil iyo Mirifle waxaa matalayay xisbigii la dhihi jiray Hizbia Digil Mirifle (HDM) oo la aasaasay 1949. Waxa uu ahaa xisbi saameyn iyo awood badan ku leh dalka inta Hiiraan koonfur ka xigta. Isla waqtigaas waxaa billowday in la helo fursado waxbarasho iyo askareyn, gaar ahaan saraakiisha ciidanka. Sidii ay doonta ba ha ku dhacdo e, dadka labada webi dhexdooda dega saamigii ay ka heleen aad ayuu u yaraa. Arrintaas saameyn xooggan ayay dadkaas ku yeelatay nus qarnigii xigay. Madaxdii degaanka ayaa ku baraarugay in aaney saraakiisha ciidanka wax muuqda ku laheyn, cabasho ayay na ka gudbiyeen arrinkaas sannadkii 1955. (fiiri sawirka 1aad, 1955).
Xisbigii HDM oo la mid ahaa xisbiyadii dalka ka jiray sida SYL, waa la takooray kaddib markii ay SYL monopoly ku qabsatay dalkii. Wax tixgelin ah lama siin afkaartii iyo talooyinkii HDM. Sidoo kale HDM iyo xisbiyadii kale ee dadka degaankaas ku xoogganaayeen waxaa laga boobay doorashooyinkii dhacay xilligii dowladdii Daakhiliyada. Doorashadii baarlamaanka ee 1959 HDM iyo xisbiyo kale waa ay qaaddaceen ayagoo u sababeeyay in xisbigii SYL ee talada hayay wax walba sallaxday. (Fiiri sawirka 2-aad, 1959).
Xisbiyadii kale oo dhan waxaa laga dhigay Qarandumis iyo Gumeysikalkaal, halka wax kasta oo SYL sameysay, sax iyo qalad, laga dhigay halgan gobannimo doon ah, guud ahaan xornimada kaddib, gaar ahaanna waqtigii Kacaanka, waxaa la tirtiray taariikhda dhammaan xisbiyadii iyo dhaqdhaqaaqyadii xilligii gobanimadoonka jiray, waxaa na laga soo reebay SYL oo kaliya aheyd xisbiga ugu ballaaran ugu na saameynta badan, balse la mid aheyd xisbiyada kale. Adigu meeqo xisbi oo aan SYL aheyd ayaad hore u maqashay?
Marka laga tago HDM, waxaa jiray xisbiyo kale degaannada koonfurta ku xoogganaa sida: Unione Patriotica Bimalia (Midowga Waddaniga Biyomaal), Unione Giovani Banadir (Midowga Dhallinyarada Banaadir), Great Somalia League (Leegada Soomaaliweyn), Partito Liberale Giovani Somali (Xisbiga Liberaalka Dhallinyarada Soomaaliyeed), Unione Africano – Somalo (Midowga Afrikaanka – Soomaaliya), Muslim League (Leegada Muslimka) iyo qaar kale oo dhammaantood jiray ka hor 1960 markii gobannimada la qaatay. Guud ahaan xisbiyadaas iyo dadkii sameystay ba waxaa laga dhigay bahallo doonayay in ay dalka boobaan oo ay SYL ka yureyneysay, taariikhdoodii na sidaas ayaa loo aasay. (Fiiri sawirka 3-aad, 1958).
Markii xornimada la qaatay, SYL ayaa dowladdii oo ay hore ba u heysteen madaxbannaani buuxda u helay. Waxa ay halkii ka sii wadeen monopoly-gii ay dowladda ku heysteen ilaa heer ay gaartay in dadku aaminaan haddaan SYL ku wadan in aanad xil dowladeed heleyn. Si kasta oo awooddii dalka Leegadu isugu koobtay haddana dadka kale waa rafanayeen oo dheelli weyn oo awoodeed haba iska jiree fagaaruhu waxa uu ahaa mid furan. Markii danbe na isla Leegadii ayaa isqeybisay oo mucaarad iyo muxaafid noqotay.
Saameynta labaatankii sano ee fursadaha dad gaar ihi boobayeen waxa ay si dhab ah u soo baxday Oktoobar 1969. Saraakiishii ciidanka ee talada dalka la wareegay, 25-kii sarkaal ee hoggaamineysay mid kaliya Digil iyo Mirifle ma aheyn! Xasuuso 1955-tii markii waxgaradka D&M ku baraarugeen arrinkaas ee aan dheg jalaq loo siin. Halkan Digil iyo Mirifle waxaa uga billowday 21 sano oo ay talada dhulkooda marti ka ahaayeen, loo na barbaarinayay bahalladii cuni lahaa. Waxaa u xigtay 10 sano oo lagu soo daayay qaar ka mid ah dulankii ku dul noolaa oo si dhab ah u bahaloobay.
"Tanna aragnay tii horana waad wada ogaydeene,
Miyaan maddax illaahay taqaan nooba imanaynin!"
—Guhaad Cabdi-Gahayr.
Dowladdii aan laga qeybgelin ee tiri anaa idin ilaalinaya, ayaa subax ka dhaqaaqday. Hantidii la yiri waa "wadaag" oo dadkay ka dhaxeysaa ayaa subaxaas wixii la qaadan karay laga qaatay intii kale na looga dhaqaaqay halkii ay yaalleen. Waxyaabaha dowladdii ka dhaqaaqday waxaa ka mid ahaa bakhaarradii hubka iyo rasaasta oo ay boobeen dadkii hubeysnaa ee meesha la wareegay. Jabhadihii kalitaliska eryanayay, ee hubkii dowladdu gacanta u galay Digil & Mirifle mid na kama mid aheyn. Ciidanka iyo saraakiisha na waa ku yaraayeen markii hore ba, labaatankii sano ee kalitalisku dalka heystay na wax ka go'o mooyee waxba uma kordhin xagga awoodda ciidanka. Waxa ay rahmadeen dowladnimo ay ayagu shacab ka yihiin.
Dadkii dowladnimada ku macaashay 40-kii sano ee Soomaali wax isugu darsanaayeen ayaa jabhado badan oo magacooda "S" u horreyso u kala jabay. Digil iyo Mirifle, iyo intii la degaanka aheyd waxa ay dhexda u galeen laba mooryaan beeleed oo Hawiye iyo Daarood ku kala abtirsada. Markii afar jeer mooryaan ayagu ba baahan ku dul dagaallameen, waxaa dhacay wax dabargoyn u eg. Waxaa la boobay dhammaan hantidii ay lahaayeen. Waxaa ku dhacay nooc walba oo xadgudub ah ee qof maankiis ku soo dhici kara; dil, xasuuq, dhac, boob, kufsi, dulleyn, iyo qaar kale. Waxaa daboolka laga qaaday naartii la kululeynayay afartankii sano ee tagtay. Kaddib markii dadkii laga qaatay wax walba oo ay heysteen, waxaa dillaacday macluul aadmi-samee ah tii ugu xumeyd abid. Baydhaba Jannaay waxa ay noqotay "Naartii Adduunka" iyo "Hooygii Geerida". Waxaa dhacay Cagabarar. Haddii aaney dunidu usoo gurman laheyn, waxaa xaqiiqo ah in Digil iyo Mirifle dunida ka tirtirmi lahaayeen. Dadkii gaajada u dhintay 1992–1993 waxaa lagu qiyaasaa NUS MILYAN (500,000) qof, intii la xasuuqay kaddib iyo ka hor na waa sii dheer tahay. (Fiiri sawirrada 4aad, 5aad, 6aad).
Markii ay tageen dowladihii adduunka ee soo gurmaday waqtigii macluusha, halkii ayaa laga miisay xadgudubyadii. Markii danbe Raxanweyn waxa ay sameysteen jabhad ay degaannadooda ku xureynayaan. Haddii jabhadihii hore u sameysmeen in ay kalitalis la dagaallamaan, Raxanweyn Resistance Army (RRA) waxaa loo aasaasay in Mooryaan reero kale ah, oo ay jabhadihii kale iyo haraadigii kalitalisku dhaleen, la isaga dulqaado. RRA kuma wada guuleysan in ay xoreeyaan guud ahaan dhulkii Raxanweyn, balse waxa ay fureen daaqad weyn oo ay neecawda xornimadu ka soo gasho dhulka labada webi u dhexeeya. Dhulka ku xeeran labada webi ee Jubba iyo Shabeelle sooma gaarin xornimadii laga helay Baay iyo Bakool 1999. Bulshada dhulkaas waxa ay ku noolaayeen ilaa 2006 nolol hubsiina la'aan kugu-qabatay ah. (Fiiri sawirka 7aad).
Haddaba ma isweydiinnay, maxaa iska beddelay nolosha intii ka soo hartay dadkii la xasuuqay, hantidoodii la dhacay, dhulkoodii qeybo laga qixiyay, qeybo kale na la dul dagay, iyo xadgudubyadii tirada badnaa ee loo geystay? Warcelinta weydiintaas ma fududa oo cilmibaaris ayay u baahan tahay, balse waxaa jira wax bannaanyaal iska ah iyo sababeyn maangal ah xaqiiqooyinka na horyaal laga soo dhiraandhirin karo.
Dadkii hantidoodii intii qaadmi kartay la qaatay, intii kale na la burburiyay, waxba looma celin, magdhow lama siin, looma garaabin, maya e, looma ogaba! Maalintii adduunku ka badbaadiyay geeri-wadareed iyo dabargo' hubanti ahaa iyo maalintii ay qeyb ahaan isxoreeyeen ba, wax hanti ah oo farahooda ku jiray ma jirin. Noloshii ayay eber ka soo billaabeen. Guud ahaan dhulka Soomaalida dulmi, dhac, boob, iyo caddaalad-darro waa ka jireen, balse ma jirin meel dadka deggan dhammaantood, miyi iyo magaalo ba, ceyrtaabeen. Sidaas darteed, dhamaadkii sagaashanaadkii ilaa billowgii 2000, markii dhulka Soomaaliyeed wax yar oo nabad ah oo la isku dhex noolaan karo ka hanaqaadeen, ayay bulshada Raxanweyn billaabeen in ay u dagaagaan degaannada Soomaalida kale si ay fursado nololeed uga abuuraan.