WASIIRKA WASAARADDA DEEGAANKA, OO KULAN BALAARAN LA QAATAY GANACSATADA .
Garoowe: 27 March 2024:
Wasiirka Wasaaradda Deegaanka, Daaqa iyo Isbedelka Cimilada Mudane Mohamed Abdirahman Mohamed ,Wasiir ku xigeenka Ayuub Cali Axmed (Ayub Sheikh) iyo Agaasimaha guud Shaafici Maxamuud Ismaaciil ayaa xarunta dhexe ee Wasaaradda kulan kula qaatay ganacsata Puntland.
Kulanka Waxaa looga hadlay sidii shirkaduhu qaybtooda uga qaadan lahaayeen Ilaalinta deegaanka loogana hortagi lahaa saamaynta taban ee mashaariicda shirkaduhu wadaan ee saameyta ku leh deegaanka iyo bulshada.
Dhanka kale Wasiirka ayaa shirkadaha la wadaagay diyaar garowga wasaaraddu ay ugu jirto Asbuuca dhiraynta Puntland oo sannad waliba la qabto 17-22 bisha April.
Ganacsatada ayaa dhankooda balan qaaday inay door muhiim ah ka qaadan doonaan ilaalinta deegaanka iyo fidinta fariimaha ku aadan ilaalinta deegaanka.
DHAMAAD
Xafiiska Warfaafinta Wasaarada Deegaanka, Daaqa iyo is Bedelka Cimilada Dawladda Puntland.