Jungle
VIP
Garoowe: Siyaasiyiinta, Odeyaasha iyo Waxgaradka Bulshada oo soo Dhoweeyey Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya Mudane Xildhinaan Cali Xoosh
Odeyaasha dhaqanka, Siyaasiyiin, Waxgaradka, Dhalinyarada, Haweenka iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan caasimadda Puntland Garoowe ayaa munaasabad isugu jirta soo dhoweyn, hambalyo, taageero iyo ducaba u sameeyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Ali Yusuf Ali - Xoosh
Waxgaradka iyo masโuuliyiinta oo ka hadlay munaasabadda ayaa muujiyay dareenkooda ku aaddan marka la eego khibradda, aqoonta, waxgalnimada iyo kalsoonida ay ku qabaan dadka deegaanka ay aad ugu faraxsan yihiin xulashada hoggaanka dalka ay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya u xusheen Xildhibaan Cali Xoosh.
Dhanka kale, Masโuuliyiinta kala duwan ee ka hadashay kulanka waxaa ay hoosta ka xariiqeen kalsoonidooda ku aaddan in Wasiirka cusub ee Arrimaha Gudaha Soomaaliya mudane Xildhibaan Cali Yuusuf uu wax badan kusoo kordhin doono horumarinta Wasaaradda Arrimaha, Federaalka, Xallinta khulaafaadka Dowladda dhexe iyo Puntlnad iyo arrimo kale.
-------
๐๐๐๐๐๐๐๐
๐ฟ๐๐๐๐๐๐๐ ๐พ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐ ๐ณ๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐ซ๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐
Email: ๐๐ฐ๐ฎ๐ฎ๐ถ๐ฏ๐ช๐ค๐ข๐ต๐ช๐ฐ๐ฏ๐ด@๐ฎ๐ฐ๐ช๐ง๐ข๐ณ.๐จ๐ฐ๐ท.๐ด๐ฐ
Facebook: https://www.facebook.com/MoifarSomalia
Twitter: https://twitter.com/MoIFARSomalia
Instagram: https://instagram.com/moifarsomalia
Flickr: https://www.flickr.com/people/196448838@N03/
Website: www.Moifar.gov.so
YouTube: https://youtube.com/@MoiFARSomali