DEG DEG+DHEGAYSO-Dhawaqa Hubka Culus oo Saaka Tukaraq Laga Maqlay iyo Ciidamo Farabadan oo Saaka Gaaraya.
http://puntlandnews.net/2018/06/26/deg- ... a-gaaraya/
Wararkii ugu dambeeyey ee aanu ka helayno gobolka Sool gaar ahaan deegaanka Tukaraq ayaa sheegaya in halkaasi ay saaka ka taagan tahay xiisad dagaal oo u dhexaysa maamulada Puntland iyo Soomaaliland oo dhowr jeer ku dagaalamay deegaankaasi.
Goob joogayaal ku sugan Tukaraq ayaa sheegaya in subaxnimadii hore ee saaka dhawaqa hubka culus laga maqlayey furimaha dagaalka ayna rumaysan yihiin inay is waydaarsanayeen ciidamada ku sugan furimaha dagaalka ee Tukaraq.
Marba marka ka dambaysa waxaa Tukaraq ku sii qulqulaya ciidamo hubaysan waxaana lafilayaa inay gaaraan ciidamo katirsan kuwa Puntland oo kayimid qaybo kamid ah gobolada Bari ee Puntland, xilli ay saddexdii maalmood ee ugu dambeeyey gaareen ciidamo gaashaaman.
HALKAAN RIIX SI AAD U DHEGAYSATO CODKA
Dhanka kalena wararka ay helayso shabakadda wararka Puntlandnews ayaa sheegaya in ciidamo aad u tirabadan kuna gaashaaman gaadiidka dagaalka ay saacadaha soo socda ku wajahan yihiin Tukaraq.