Geelidle - Dhulboobka Jubooyinka

mohamedismail

Reewin. Lixda Gobol ee Maayland unii leh!
Geelidle: Dhul boobka jubbooyinka

Reer wax ka dega hal degmo (Afmadow) ayaa boobay xildhibano awood qeybsi ahaan dad kale lahaayeen oo ku dhowaad 30 xildhibaan ah waxaas ayaa waxay ku leeyihiin maamul ayaan dhisnay.

Halka Beelweynta geelidle oo degta labada jubba iyo Gedo la siiyey hal xildhibaan.

Geelidle Saakow waxba malahan, baardheere waxba malahan, Buaale waxba malahan, jilib waxba malahan, kismaayo waxbo malahan, Afmadow waxba malahan.

Mahmah:durbaankii habeen la xado maalinkii meel Lagu garaacaa la rabaa.

Adeer ama Kenya awood ka doono ama jini, inagana geed gaaban baan kuugu fadhinaa.

waxaan ka digayaa arinkaan dhulboobka ku saleysan inuu gacan ka hadal gaaro.
Waqti kumanaan kun dhintaan Lagu calaacalo kabadan in ay kaa diyaarsan yihiin midaas oo aan la yeelidoonin.

Siday ku socoto, jubbooyinka waxaa ka dhicidoona degaaladii daarfuur suudaan midaas oo ka saaridoonto in qof awood khaas sheegto.

Waxaan fariin udirayaa bulshada reer geelidle in ay udiyaar garoobaan kamid noqosho bulshada isku diyaarineysa la dagaalanka taliska kismaayo.

Reer geelidle hadii aad rabtaan inaad gobanimo gaartaan , waa inaad bixisaan naftiina iyo maalkiinaba.

Waa in la bilaabaa dhaqaale aruuris Lagu taageerayo barnaamijkaan. Sida beesha mareexaan sade ubilaabeen dhaqaale aruuris masiirkoodii ku ilaashanayaan.

Waxaan rajeynayaa in dhagaha furan yihiin.

Mahadsanid
 

Trending

Top