Dhabayaco Disunity Reaches the Federal Level

Status
Not open for further replies.

HalyeeyQaran

Citizen of Southwest State
Khamiis, November 26, 2015 (HOL) — Maamulka Puntland ayaa is-hor-taag ku sameysay safar uu maanta RW Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ku tegi lahaa magaalada Gaalkacyo, iyadoo ilo lagu kalsoon yahay ay u sheegeen HOL in Sharma’arke uu baajiyay safarkii maanta uu ku tegi lahaa Gaalkacyo.

Wararka ayaa intaas ku daray in Puntland ay RW Somalia u sheegeen inuusan u wadin xal, sidaa daraadeedna uusan imaan karin magaalada Gaalkacyo, iyadoo aan la ogeyn sababta keentay in Puntland ay diiddo safarka RW Somalia iyo wafdigiisa ee lagu doonayay in xal looga gaaro dagaalladii dhawaan ku dhex-maray Gaalkacyo ciidamada Puntland iyo kuwa Galmudug.

Sidoo kale, wararkan ayaa sheegaya in RW Somalia uu kusoo laabtay xafiiskiisa, inkastoo uusan weli si rasmi ah uga hadlin sababta keentay inay diido Puntland safarkii uu maanta ku tegi lahaa xarunta gobolka Mudug.

RW Somalia oo ayaa waxaa safarkaan ku wehlin lahaa wasiirro ka tirsan xukuumadda iyo xubno kale tirsan baarlamaanka Somalia, waxaana qorshaha ay u tagayaan Gaalkacyo uu ahaa in xal laga gaaro dagaalladii dhawaan ka dhacay.

Tan iyo saakay ayaa waxaa Muqdisho iyo Gaalkacyo ka socday qaban-qaabo safarka RW Somalia uu ku tagayo Gaalkacyo loogu diyaar-garoobayay; balse RW Somalia ayaa kasoo laabtay garoonka Muqdisho, kaddib markii Puntland ay diidday safarkiisa Gaalkacyo.

Dhanka kale, weli waxaa ka taagan Gaalkacyo xiisad ka dhalatay jid laami ah oo Puntland ay ka dhisaysay magaaladaas, kaasoo sababay inuu dhaco dagaal sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Shacabkii ku noolaa xaafadaha Gaalkacyo qaarkood ayaa weli ka barakacaya guryahooda; iyagoo ka baqdin qaba inay mar kale dagaallo ka dhacaan degmadaas, maadaama ay weli is-horfadhiyaan ciidamadii dagaalladu dhex-mareen.

Ugu dambeyn, waxgaradka, culummada, ganacsatada iyo bulshada qaybaheeda kala duwan ayaa maalmahan waxay wadeen baaqyo ay Puntland iyo Galmudug uga dal-banayeen in la joojiyo gacan-ka-hadalka, wixii khilaaf ah ee jirana lagu dhameeyo wadahadal.


One xoolo versus another
220px-Omarasharmarke2.jpg
B9LEtc.gif
 
Status
Not open for further replies.

Trending

Top