KURAASTII CEELWAAQ OO LAGU DARAY LIISKA XILDHIBAANNADA DOORANAYA GUDOONKA GOLAHA SHACABKA
Liiska Xildhibaannada Golaha Shacabka ee dooranaya Guddoonka cusub ayaa loo gudbiyay Hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS oo mas’uul ka ah Amniga Teendhada lagu qabanayo Doorashada.
Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Liiska Xildhibaannada loo gudbiyay Hawlgalka ATMIS ay ku jiraan 16 xubnood oo dhowaan lagu doortay degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.
Xubin kamid ah Guddiga Doorashooyinka heer Federaal ee FEIT ayaa noo xaqiijiyay in 16 Xubnood ee lagu soo doortay Ceelwaaq ay ku jiraan Liiska rasmiga ah ee Xildhibaannada dooranaya Guddoonka cusub.
Mar aan wax ka weydiinay sida laga yeelayo 16-ka Xildhibaan ee la sheegay in lagu doortay Garbahaarrey ayuu ku jawaabay “ Ciddii Facebook ku qortay ayaa la weydiinayaa sida laga yeelayo. Kuraastii Gedo waa la doortay waana 16-ka kursi ee ka soo baxay Ceelwaaq”.
Tallaabadan ayaa ku soo beegantahay xilli lagu wado in saacadaha soo socda la qabto Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka oo uu hareeyay khilaaf la xiriira 16-ka kursi ee Gobolka Gedo.
PUNTLAND POST